Dadka Filimada Bollywoodka falanqeeya waxaa ay leeyihiin soo laabashada Aishwarya Rai Bachchan waxaa ay ka dhigantahay in Filimo xiise leh la daawan doono.
Aktaradan ayaa keentay Filimo badan laakiin aynu eego 10-kii Filim ee ugu fiicnaa ee ay ka baxsatay.
1-Hum Dil De Chuke Sanam
Aishwarya ayaa filimkan jaceelka la waday Salman Khan iyo Ajay Devgn
2-Taal
Aishwarya ayaa Filimkan oo qiso jaceel leh la waday Akshaye Khanna iyo Anil Kapoor .
3-Mohabbatein
Aishwarya ayaa filimkan ku jileysa Megha waxaana dhalay Amitabh Bachchan oo ku jilaya magaca Narayan Shankar iyadoo uu jeclaanayo Raj Aryan oo ah Shah Rukh Khan,waa qiso jaceel oo weyn.
4-Devdas
Kani waa filimkii jaceelka yaraanta waxaana ay la wadaa Aktarka Shah Rukh Khan
5-Bride and Prejudice
Aishwarya waxaa ay Filimkan la jileysaa Aktarka reer New Zealand Martin Henderson
6-Guru
Waxaa ay la wadaa Filimkaas ninkeeda Ahna Aktar Abhishek Bachchan
7-Provoked
Kani waa Filim British ah waxaana lagu jilay london,waa Filim laga sameeyay qiso dhab ah iyadoo Aktarada ay dileyso ninkeeda oo ku kacaya falal xun oo aysan u dulqaadan karin.
8-Jodha Akbar
Waa Filim boqortooyo waxaana ay la jileysaa Aktarka Hrithik Roshan.
9-Raavan
Aishwarya ayaa filimkan la keentay seygeeda Abhishek Bachchan
10-Guzaarish
Aishwarya ayaa Filimkan la keentay Hrithik Roshan.