Filimka Aamir Khan ee PK ayaa ugu dambeyn noqday Filimkii ugu horeeyay Abid taariiqda Bollywoodka ay maalmo yar gudaheeda soo xareeya lacagihii ugu badnaa oo lagu daawaday Filimkaas.
Lama filaan ayey noqotay in PK uu rikoor weyn ka sameeyo Bollywoodka xili mucaraadaad badan filimkaas uu wajahay.
Filimka Aamir Khan ayaa lagu soo eedeeyay inuu u gafayo diimaha ay leeyihiin qaar kamid ah dadka Hindida.
Sidaas oo ay tahay ayuu Filimka PK soo xareeyay durba dhaqaale dhan 300-kun cr mark oo ah wax lagu qiimeeyo Filimada Bollywoodka.
Ninka naqdiya Filimada Bollywoodka Komal Nahta ayaa barta Twitterka ku shaaciyay in Filimka PK ee Aamir khan inuu noqday kan lacagaha ugu badan bollywoodka ay ka soo xaroodeen maalmo yar gudaheeda.
Kani waxaa uu noqonayaa filimkii seddexaad ee Aamir khan uu jilayo oo rikoor weyn ka dhiga Bollywoodka ,horayna waxaa uu u keenay filimada 3 Idiots iyo ‘Ghajini.
W/D Maxamed Khadar Ibraahim Daahir