Isu dhawaansho weyn ayaa ka dhaxeeya Filimka uu keenay Akshay Kumar ee Baby iyo kan ay isla wadaan Aktarada kala ah Saif Ali Khan iyo Katrina Kaif kaas oo lagu magacaabo Phantom’s.
Filimka uu wado Saif Ali Khan ayaa lagu waday in la sii daayo October 2, 2014 laakiin dib ayaa loo dhigay waxaana lagu waday 15-ka February ee bishan in lasii daayo laakiin waxaa hadana dib loo dhigay ilaa bisha August siideynrtiisa
Sababta ugu weyn ee filimkan dib loogu dhigay ayaa ah in Filimkan ay isku egyihiin sheekadiisa Filimka basaaska uu wado Akshay Kumar kaas oo haatan India siweyn looga daawanayo sidaa daraadeed dib ayuu ka soo baxayaa filimkan.
Isu ekaanshaha waxaa uu yahay Filimka Akshay Kumar waxaa uu u ambabaxayaa Istanbul, Nepal iyo Abu Dhabi isagoo howgalo ka soo fulinaya oo ka dhan waxa ay Argagixisada ay ugu yareen halka Saif Ali Khan uu isagana howlgalo lamid ah uu ka sameynayo India , Europe, America iyo galbeedka Asia.
Sidoo kale filimadana ayaa isaga ek labada gabar ee Aktarada ka ah oo iyagana ka ciyaaraya doorka wakiilo basaasiin ah.
Labada Filimba waxaa ay isaga mid yihiin dhanka dagaalka ka dhanka ah Argagixisada waxa ay ugu yeereen iyaga halka Filimka Akshay Kumar laga diiday in laga daawado Pakistan maxaa yeelay waxaa la sheegaya inuu u gafayo Islaamka.
Waa markii ugu horeysay Saif iyo Katrina ay filim isla keenaan.