Aishwarya iyo ninkeeda Abhishek Bachchan oo ah labo Aktar oo laga wada garanayo Bollywoodka India ayaa u dabaaldagaya sanad guurada dhalasha gabadhooda yar ee Aaradhya.
Gabadha uu awoowaha u yahay halyeyga Bollywoodka ee Amitabh Bachchan ama cali dheere ayaa u dabaaldagaysa sanad guuradeedii labaad.
Aaradhya ayaa ka soo jeeda qoys Bollywoodka laga wada garanayo ayeeyadeedna waa Jaya Bhaduri Bachchan.
Inta uusan guursan Abhishek xaaskiisa Aishwarya waxaa uu xiriir kala dhaxeeyay Karisma Kapoor balse waxaa jiidatay Aktarada ugu quruxda badneyd India Aishwarya oo iyadana xiriir la laheyd Salman Khan .
Sanadkii 2007 ayey is guursadeen Aishwarya iyo Abhishek Bachchan waxaana u dhashay sanadkii 2011 Aaradhya.
Sawirada dabaaldaga sanadguurada gabadha Familka Bollywoodka ka dhalatay waa kuwan.