Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » FILIMADA
Viewing all articles
Browse latest Browse all 191

Aktarka Tusshar Kapoor walaashiis Ekta Kapoor oo maanta dabaal dagaysa

$
0
0

Gabadha la dhalatay Aktarka Tusshar Kapoor ee Ekta Kapoor ahna filim soo saare ayaa maanta u dabaal-dagaysa sanad guurada dhalashadeeda oo maanta u began.

Ekta Kapoor waxa ay ka shaqeysaa TV-yada India, waana filim soo saare, waxa ay dhalatay 07 bishii June sanadkii 1975-kii, iyadoo ay iska dhaleen aktarka  Jeetendra oo ay Soomaalidu u garanayso Faaris iyo Shobha Kapoor, waxayna maanta u dabaal-dagaysaa sanad guuradeedii 40-aad.

Waxay soo saartay filimo badan oo laga baahayey TV-yada India, intaas kaddibna waxay bilowday Ekta inay soo saarto filimada sanadkii 2001, filimada ay soo saartay waxaa ka mid ah Kyo Kii… Main Jhuth Nahin Boltam, Kucch To Hai iyo Krishna Cottage.

Sidoo kale filimada ay soo saartay Ekta Kapoor, waxaa lagu xusuustaa filimkii Kyaa Kool Hai Hum oo uu jilay walaalkeeda ka yar Tusshar Kapoor, ama aad u garanaysaan fiilka Faaris.

Ekta Kapoor dhawaan waxay qalinka ku duugtay inay sameynayso filim gabdho Indian ah ay jilayaan oo lagu jilayo qaawanaan.

ekta-tusshar-20-8-201e


Viewing all articles
Browse latest Browse all 191

Trending Articles