Aktarka Aftab Shivdasani ayaa laga qaaday inuu soo jilo qeybta seddexaad ee Filimka qosolka badan ee Kyaa Kool Hain Hum 3.
Aftab Shivdasani waxaa lagu badalay Aktarka filimada maadka keena ee Riteish Deshmukh inuu soo jilo qeybta seddexaad ee Filimkan.
Jilaaga Aftab waxaa ugu dambeysay inuu filim keeno sanadkii 2013 kaas oo ahaa ‘Grand Masti.
Riteish Deshmukh ayaa horey u keenay Filimkan hada isaga loo dhiibay qeybtiisa labaad ee Kyaa Kool Hain Hum 2 waxaana la waday Tusshar Kapoor iyo Anupam Kher oo loo yaqaan Aabaska,waxaana la siideeyay Filimkaas 27 July 2012.
Kani waa Riteish,kan xageeyana waa Aftab.