Dadyowga reer India iyo kuwa Adduunka ayaa ka war dhowraya halka uu ka dambeeyo wararka xanta ah ee leysla dhexmarayo.
Aad ayaa loo xiiseen doonaa marka ay dib isugu arkayaan saaxada Bollywoodka shimbirihii hore ee jaceelka Kareena Kapoor iyo Shahid Kapoor.
Labadan Aktar oo horay u lahaa xiriir jaceel ayaa la soo warinayaa inuu isu keeni doono Filim sameeye Abhishek Chaubey oo raba in filimkiisa uu u dhiibo Kareena Kapoor iyo Shahid Kapoor.
Waa la ogaa sida ay dadka uga heleen Filimkii Yeh Jawaani Hai Deewani ee Ranbir Kapoor iyo Deepika Padukone ay wada keenaan kuwaas oo xiriir jaceel uu horay uga dhaxeeyay.
Aktaradan Shahid iyo Kareena ayaa horay u keenay filimada kala ah Bombay Talkies,Milenge Milenge,Jab We Met,Kya Love Story Hal,Chup Chup Ke,36 China Town iyo Fida oo ahaa filim jaceel oo soo baxay sanadkii 2004.
Kareena waxaa hada qaba Aktarka saif ali khan.
Aan ku xusuusiyo filimkoodii Fida