Aktarka Bollywoodka Sanjay Dutt ayaa laga siideeyay xabsiga dhexe ee Yerwada Central Jail maalintii Arbacadii waxaana lagu siidaayay damaanad xili xukunkiisa xabsiga uu wali dhimanyahay.
Sanjay Dutt ayaa dowlada India ka helay labo isbuuc oo fasax uu ku soo nasanayo ,sidoo kale xaaskiisa Manyata oo xanuunsan ayaa qeyb ka ah sababta uu ninkan xabsiga uga baxayo.
Dhacdadii 1993-dii ayaa lagu xeray Sanjay Dutt kadib markii laga helay gurigiisa 56 hubka AK- xili uu dalka ka dhacay qarax weyn oo dad badan ay ku dhinteen.
Markii uu Aktarkan deegaankiisa uu tagay ayuu sheegay inuu xabsiga dhexdiisa uu ku caatooway oo 18-kg ay ka go’aday culeyskiisa,waxaana uu ku kaftamay markan iney u dhamaaneyso isaga.
Waxaa uu iska bixiiyay fanaanada isagoo muujinaya in xabsiga aysan oolin wax raaxo ah.