Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » FILIMADA
Viewing all 191 articles
Browse latest View live

Gabar uu dhalay Aktarka Bollywoodka Shah Rukh Khan oo Filimo cusub keeneysa+sawiro

$
0
0

suhana-story_650_110514122011

AKtarka saddexda caruur dhalay ee Shah Rukh Khan ayaa muujiyay inuusan caruurtiisa ka hor istaagi doonin iney ku soo biiraan jilinka filimada Bollywoodka.

SRK caruurtiisa waxaa ugu weyn Aryan kaas oo haatan wax ka barta dibada  halka canugiisa yare ee sanadkii hore u dhashay AbRam uu durba ka soo muuqday filimkii ugu dambeeyay ee isaga uu keenay ee  Happy New Year,sidoo kale xaaskiisa Gauri ayaa qeyb ka aheyd filimkaas.

Suhana  oo ah gabar uu dhalay Shah Rukh Khan  ahna curud xigeenkiisa ayaa lagu wadaa iney ku soo biirto Bollywoodka.

Mar arimahaas wax laga weydiiyay Shah Rukh Khan  oo ah in gabadhiisa iney Bollywoodka ku soo wajahan tahay iyo xiliga ayuu ku jawaabay”waa gabar xishood badan,ilmaheyga waa mida kaliya ee dooneysa in Aktar ay noqoto taasna anigana waan ku faraxsanahay hadii gabadheyda ay noqoneyso aktarad filimada hindiga.

Shah Rukh Khan   ayaa u rajeeyay gabadhiisa Suhana iney Bollywoodka ka noqoto halyey isaga oo kale ah.

suhana-story_650_110514122011

Waa SRK iyo gabdhiisa Suhana

 

 

 


Aktarada Bollywoodka Salman Khan iyo Kareena Kapoor oo soo wada filim Muslim iyo…+sawiro

$
0
0

kareena_650_092514064613

Aktarada Salman Khan iyo Kareena Kapoor  ayaa ku jira diyaar garowga jilista filimkooda cusub ee Bajrangi Bhaijaan.

Labadan Aktar ee Filimkan wada ayaa toddobaadkan tagay Delhi halkaas oo ay ka bilaawi doonaan wada shaqeyntooda filimkan Atooraha iyo Atariishada ay ka yihiin.

Sheekada Filimkan cusub ee Salman Khan iyo Kareena Kapoor   ayaa ah mid ku saabsan wiil Muslim ah iyo gabar Hindu ah oo jaceel uu dhexmarayo.

Salman Khan ayaa ku jilaya Muslin halka Kareena ay qaadaneyso doorka gabar Hindu.

Waqtiga la qorsheeyay inuu filimkan soo baxo ayaa ah 16-ka July sanadka 2015.

  • And that's apparently the team Kareena, who manages the actress' commitments. (Source: Twitter)"With Beautiful kareena on the sets of BajrangBhaijaan':-)" Manish Malhotra tweeted with this picture. Kareena indeed looks beautiful in salwar kameez. (Source: Twitter)
  • All work, some phone: Salman and Kareena take time off the shoot and indulge in their cell phones. (Source: Twitter)

Ra’iisul wasaare Modi iyo Shah Rukh Khan oo hogaaminaya marti sharafka Arooska Salman Khan….+sawiro

$
0
0

hug-story+mos_650_110714080209

Si rasmi  waxaa maanta shaaca looga qaaday casuumaada Arooska Aktarka Salman Khan walaashii Arpita oo uu guursanayo wiilka ay mudada ay wada socdeen ee Aayush Sharma.

Salman Khan ayaa horay ugu balan qaaday walaashii in Arooskeeda uu ka soo qeybgalin doono marti sharaf caan ah oo uu kamid yahay Ra’iisul wasaaraha India Narendra Modi.

embed-invite

Maalintii Khamiista Salman Khan ayaa kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul wasaare Narendra Modi isagoo u geeyay warqada casuumaada Arooska.

Dhinaca kale marka dhanka Aktarada caanka Bollywoodka loo soo laabto Salman Khan ayaa qorsheynaya inuu casuumo Aktaro uu kamid yahay Shah Rukh Khan kaas oo xiriir aan wanaagsaneyn uu kala dhaxeeyo.
Salman Khan and Narendra Modi

Marti sharafka Arooska oo 21-ka November dhacaya ayaa waxaa kamid ah SRK, Amitabh Bachchan, Aamir Khan, Hrithik Roshan, Deepika Padukone iyo Kareena Kapoor .

Boqorka Bollywoodka Shah Rukh Khan oo keenaya Qeybta seddexaad Filimka Don+sawiro

$
0
0

srk-don-650_110714055321

Seddexsano kadib Shah Rukh Khan ayaa soo wada qeybta sedddexaad ee Filimka lagu magacaabo Don.

Boqorka Bollywoodka ayaa ku dhawaaqay inuu doonayo inuu keeno Don 3.

“SRK waa waa don  ,sidoo kale Don waa SRK ayuu yiri Shah Rukh Khan.

Sanadkii 2011 Shah Rukh Khan ayaa keenay qeybta labaad ee Don kaas oo siweyn uu kaga baxsaday.

Lama shaacin wili Atariishada  Shah Rukh Khan la keeneysa Filimkan Don 3 walow loo badinayo iney noqon doonto Priyanka Chopra oo filimkii Don 2 la waday SRK.

Laakiin Xaaska Shah Rukh Khan ee  Gauri ma jecla Priyanka iney filim la wadaagto ninkeeda.

11dec_don2stills25

Quruxda Bollywoodka ee Katrina Kaif oo booqatay Boqorka Jaceelka ee Rishi Kapoor

$
0
0

katrina-rishi-650_110714073023

Gabdha heysata quruxda Bollywoodka ee Katrina Kaif  oo lala xiririnayo in bisha labaad ee sanadka cusub ay guursaneyso Rambir kapoor ayaa booqotay Aktarka caanka ah ee Rishi Kapoor.

Rishi Kapoor oo malaariyo ka fursan waayay mudooyinkan ayaa 30-kii bishii October laga saaray cisbitaalka.

Maadaama wiilkiisa Rambir kapoor uu guursanayo ayey gabadhan u wanaajineysaa xiriirka ka dhaxeeya reer Kapoor.

Rishi Kapoor ayaa waxaa uu dhalay Aktarka haatan galaangalka fiican ku leh Bollywoodka ee Rambir kapoor kaas oo xiriir weyn uu kala dhaxeeyo Katrina Kaif .

Katrina Kaif iyo Rambir Kapoor ayaa haatan ku howlan jiliinka filimka Jagga Jasoos.

Sirta ka dambeysay Kareena Kapoor iney xaaskiisa noqoto Aktarka Bollywoodka Saif Ali Khan+video

$
0
0

kurbaan-03

Ma jaceel mise magac ayey isku guursadeen ayaa laga wada hadalhayay India Aktarada lagu magacaabo Saif Ali Khan iyo Kareena kapoor.

Majalada IANS ayaa weydiisay Kareena Kapoor su’aal aheyd goorta ay dareentay jaceelka Aktarka Saif Ali Khan oo ah haatan ninkeeda.

Kareena oo ku mashquulsan jilida Filimka ay wadaan iyada iyo Salman Khan ayaa jawaab waadix u heshay su’aashaasi.

“Haa waan jeclaaday isaga,waxaana is guursanay anigoo si dhab u jacel.

Goormee ayaa jeclaatay ayaa la weydiiyay Kareena Kapoor Saif waxaana ay ku jawaabtay”ma fileynin inuu jaceel I galayo,intii uu socday filimkii Kurbaan ama Love Jihad  ayaan jeclaaday isaga ayey tiri.

Aktaradan ayaa sanadkii 2009 soo jilay filim gabar hindu ah iyo wiil Muslim ah oo uu ka dhex dhalanayo jaceel laakiin jaceelkaas jiliinka ahaa Kareena ayaa ku jeclaatay Saif Ali Khan.

Kareena ayaa ku jileysay filimkaas Hindu halka Saif uu ciyaarayay doorka muslinimada.

34 jirtan ayaa sheegtay jaceelka inuusan laheyn kani waa hindu kanina waa Muslim maadaama Saif lagu xanto inuu yahay Muslim.

 

Aktarka Bollywoodka Akshay Kumar oo keenay Filim cusub oo qosol dhameys ah+video

$
0
0

The-Shaukeens-Box-Office-Collection-1st-2nd-3rd-Day-weekend-Prediction-Expected-income

Seddex maalin gudaheeda ayuu dhaqaale badan ku soo xareeyay Filimkii maadka ahaa ee uu waday Aktarka Akshay Kumar.

Jilaagaan ayaa keenay Filimka lagu magacaabo Shaukeens oo ay la jilayaan Annu Kapoor, Piyush Mishra ,Anupam Kher oo soomaalida u taqaan Aabaska iyo  Lisa Haydon.

Filimkan  Shaukeen ayaa horay u soo baxay sanadkii 1982 waxaana waday Ashok Kumar, Utpal Dutt, A. K. Hangal, Rati Agnihotri  iyo Mithun Chakraborty laakiin haatan ayaa dib filim kaas u eg uu keenay Akshay Kumar.

Shaukeens  waxaa uu soo baxay 7-dii bishan ayna ku guda jirno ee sanadka 2014,waxaana siweyn looga daawaday Tiyaatarada India.

Labo saacadood ayey kugu qaadaneysaa daawashada Filimkan oo qosol badan kaa keeni doona.

Akshay Kumar ayaa filimkan ku jilaya nin ku taqasusay cabida qamriga.

Bollywood News:Aamir Khan iyo Aishwarya Rai Bachchan oo filim cusub uu u soo baxayo

$
0
0

collage_650_111014052314

Filimsameeyaha caanka ah ee Karan Johar kaas oo alifay sheekooyin jaceel oo uu ku guuleystay Aktarka Shah Rukh Khan ayaa markan Filimkiisa u dhiibaya Aamir Khan iyo Aishwarya Rai Bachchan.

Afarsano kadib ayey xaaska Abhishek dib ugu soo laabatay haatan Bollywoodka India waxaana miiska u saaran dhowr filim oo ay soo jileyso.

Wararkii ugu dambeeyay ee xanta Bollywoodka laga helayo ayaa sheegaya in Aamir Khan iyo Aishwarya ay keenayaan dhawaan filim labadooda ay ku wada jiraan.

Aktaradan ayaan marnaba wada keenin wax filim ah waxaa ay noqoneysaa markii ugu horeysay oo filim ay wada keenaan.

Aamir Khan oo filimada jaceelka caan ku ahaa ayaa markan xooga saaraya ama soo jilayay mudooyinkan filimada dagaalka iyo Madadaalada.


Bollywood news : Priyanka Chopra oo cashar u dhigeysa Aktarada Bollywoodka+video

$
0
0

peecee_650_110614015151_111014073523

Ma badna in Aktarada Bollywoodka ee filimadooda ku soo qaadaan hees  iyaga codkooda balse waxaa ay leeyihiin oo kaliya jiliinka codkana waxaa iskaleh fanaaniin caan ka ah dalka India Sida Kumar iyo Urdutt.

Hada waxaa Bollywoodka ka soo dhex baxday gabar dhinac kasta ku fiican lehna muuqaal aad u qurxoon waa Priyanka Chopra.

Priyanka Chopra oo dhawaan keentay Filimkii ay Dowlada dalka India ay kaga heshay abaalmarinta ee Mary Kom ayaa dooneysa filimadeeda soo socda iney iyada ka heesto.

Priyanka Chopra ayaa ku kalsoon codkeeda waxaana ay dooneysaa markii ugu horeysay Bollywoodka iney ka heesto.

Aktaradan ayaa filimkeeda soo socda ee Dil Dhadakne Do dooneysa iney jiliinka iyo codkaba ay iyada ay isku lahaato oo ay ka heesto.

Gabadhan ayaa hees la soo qaaday Ninka reer Cuban American Pitbull,waana kan heeskaas.

Bollywood news:Maxaad ka taqanaa Aktarada waa weyn Bollywoodka ee cadowga isku ah

$
0
0

 

Salman-Khan-Shahrukh-Khan6

Ha kala  duwanaato siyaabuhu ay isugu dhaceen laakiin waxaa hubaal ah in Aktaro ka tirsan Bollywoodka oo gabdho iyo wiilal isugu jira ay dhextaalo cadowtooyo weyn waxaana cinwaan looga dhigay qilaafka dhexdooda Cadowtooyadii ugu weyneyd ee Bollywoodka India.

Qaar kamid ah Aktarada qaar oo haween iyo rag isugu jira ayey ka dambeysay isku dhacooda xiriir jaceel,tusaale ahaan Aktarada gabdhaha ayaa isku qabanayay arin jaceel oo Aktar kala dhaxeeya raguna waa sidaas oo kale gabarbaa dagaalkooda ka dambeysay.

Aktarada qaar ee halyeeyada ka ah Bollywoodka sida Amirkhan,Shehrukha khan,Salman khan iyo Amitabh Bachchan ayaa iyagana waxaa ka dhaxeeyay xifiltin dhanka abaalmarinada Aktarka ugu fiican.

Guud ahaan waa kuwan Aktarada colaada soo jireenka ay ka dhaxeysay Bollywoodka wilina ay jirto.

AAMIR KHAN VS SHAHRUKH KHAN

SALMAN KHAN VS SHAHRUKH KHAN

VIVEK OBEROI AND SALMAN KHAN

KAREENA KAPOOR AND PRIYANKA CHOPRA

Abhishek Bachchan v/s Hrithik Roshan

Deepika Padukone v/s Sonam Kapoor

Shah Rukh Khan v/s Ajav Devgan

Aishwarya Rai Bachchan v/s Sushmita Sen

Aishwarya Rai Bachchan v/s Rani Mukerji

Kareena Kapoor v/s Amisha Patel

Kareena Kapoor v/s Bipasha Basu

Rani Mukerji v/s Preity Zinta

Shah Rukh Khan v/s Amitabh Bachchan

Salman Khan v/s Shahid Kapoor

Salman Khan v/s John Abraham

Sridevi v/s Madhuri Dixit

 

 

Bollywood News:Cajiib Wax ka ogow sagaal Aktar caan ka ah Bollywoodka oo guursaday shaqsiyaad aan caan aheyn+sawiro

$
0
0

juhi-chawla-hot-unseen-image

Websetka Soomaalida maanta oo aad ugu barateen baarnaamijyada xiisaha leh ee Bollywoodka ayaa maanta kuu soo bandhigaya xaqiiqooyin aad u baahneyd in badan.

Horay dhowr arimood ayaan soo hadal qaadnay maanta waxaan idin soo gudbin doonaa akatarada Bollywoodka gabar ama wiil ee  guursaday dad aan caan aheyn.

Waxaa jira Aktaro hablo caan ah oo ay qabaan rag aan laga garaneyn saaxada Bollywoodka taas oo siweyn ugu yaabisay taageerayaashooda.

Sidoo kale Aktarada Raga ee Bollywoodka iyana mid lamid ah taas ayey sameeyeen oo waxaa ay guursadeen gabdho aan la garaneyn oo aan caan aheyn laga yaabee iney u doorteen sababo dhaqaale.

Sagaaal Aktar ayaan idin soo gudbin doonaa.

1- Madhuri Dixit iyo Shriram Nene,Akarada caanka ah ee    Madhuri ayaa guursatay ninkan aan caanka aheyn sanadkii 1999-kii.

Madhuri Dixit and Shriram Nene

2- Juhi Chawla iyo Jay Mehta,Juhi Chawla aktaradan oo laheyd soo jiidasho weyn ayaa guursatay sanadkii 1997-kii ninkan ganacsadaha ah .

Juhi Chawla and Jay Mehta

3- Jeetendra iyo Shobha, jeetendra waa Aktar ay soomaalida u taqaan feeris,waxaa uu la socday mudo dheer Hema Malini laakiin waxaa uu guursaday Shobha oo u dhashay Ekta Kapoor iyo Tushar Kapoor oo Aktar haatan ka tirsan Bollywoodka.

Jeetendra and Shobha

4-Raveena Tandon iyo Anil Thadani,Aktaradan caanka ah ee Raveena ayaa waxaa uu xiriir qoto dheer kala dhaxeeyay Akshay Kumar  laakiin waxaa ay guursatay Anil Thadani oo ah nin aan caan aheyn.

Raveena Tandon and Anil Thadani

5-Vivek Oberoi iyo Priyanka Alva, Aktarka Vivek ayaa si lama filaan ku guursaday gabar uu dhalay wasiirkii hore ee gobolka Karnataka ee galbeedka India.

Vivek Oberoi and Priyanka Alva

6-Shilpa Shetty iyo Raj Kundra,Alla maxey jiliin wanaagsaneyd Shilpa Shetty ,laakiin calafkeeda waxaa uu noqday oo guursaday nin  hedysta dhalashada British  iyo Indian waana ganacsade.

Shilpa Shetty and Raj Kundra

7-Esha Deol iyo Bharat Takhtani,gabadhan uu dhalay halyeyga Bollywoodka ee Dharmendra ayaa waxaa guursaday Bharat Takhtani oo aan nin aan la garaneyn.

Esha Deol and Bharat Takhtani

8-Imran Khan iyo Avantika Malik, Imran waxaa uu kamid yahay Aktarada Bollywoodka ee haatan dib kaga soo biiray waxaa uu guursaday  Avantika.

Imran Khan and Avantika Malik

9-Fardeen Khan iyo Natasha Madhvani,Jilaaga Fardeen Khan  ayaa guursaday gabadha ay ilaa yaraantooda wada socdeen ee Natasha ma ahan caan.

Fardeen Khan and Natasha Madhvani

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Bollywood News:Shah Rukh Khan oo si faah faahsan ugu hadlay colaada isaga iyo Salman Khan

$
0
0

collrge_650-2_111214121440

Shah Rukh Khan ayaa muujiyay inuusan wax qilaaf kala dhaxeyn dhigiisa Salman Khan oo sanadihii u dambeeyay warbaahinta ay ka soo gudbineysay warar badan oo qilaafkooda la xiriira.

Inuu soo laabanayo xiriirka labada Aktar ayaa la sadaalinayay markii ay soo baxday Salman Khan inuu ku marti qaadayo SRK Arooska walaashii Arpita.

18-ka Bisha November waxaa loo balansan yahay guurka Arpita oo ah gabar ka yar Salman Khan waxaana uu ka balanqaaday Arooskeeda inuu shaqsiyaad caan ah ka soo qeybgalin doono.

Saxaafada oo wax ka weydiisay Shah Rukh Khan inuu ka qeybgalayo Arooskaas oo uu helay waraaqada casuumada ayaa ku jawaabay”hadii leys casuumo iyo hadii kale marwalba waan ka qeybgali lahaa arooska Arpita.

Toddobaadkan ayaa waxaa soo baxday in shaki la gelinayo ka qeybgalka SRK arooskan laakiin jawaab waadix ayuu ka dhiibay.

SRK ma  heshay warqada casuumaada”ma ogi in la geeyay gurigeyga,hada ayaan dib ugu laabanayaa gurigeyga.

“Markasta waxaa hubaal ah inaan aadi lahaa Arooska,waan garanayaa Arpita ilaa yaraanteeda,waxaan ku ciyaarsiin jiray gacmaheyga,waa sida walaashey oo kale,uma baahni wax casuumaad ah,waa sida ehelkeyga oo kale ayuu ku daray reerka Salman Khan.

Hadalka Shah Rukh Khan ayaa sii wanaajin doona xiriirla isaga iyo Salman Khan.

collrge_650-2_111214121440

Sawirkan waa Salman khan iyo walaashii,dhinaca kalana waxaaa ka xiga Shah Rukh Khan

Bollywood News:Aktarad caan ka ah Bollywoodka India oo lagu xiray dalka Kenya+video

$
0
0

sook

Tani waa aktarad laga wada garanayo Bollywoodka India waxaana ay keentay filimo badan oo ay kamid yihiin Ashiq Awara’, ‘Sabse Bada Khiladi’, ‘Baazi’ iyo ‘Karan Arjun.

Sanadkii 1990-kii ayey caan ka aheyd Bollywoodka India waxaana filimkeedii ugu dambeeyay ay soo jishay sanadkii 2001 waxaana uu ahaa Dev Anand.

Oo waa tuma gabadhaas waa Mamta Kulkarni oo qurux saaxib la aheyd laakiin haatan waa doqowday waana 42 sano jir.

Wararkii ugu dambeeyay ee maanta Bollywoodka ayaa xaqiijinaya in Mamta Kulkarni iyo ninkeeda Vicky Goswani lagu xiray dalka Kenya waxaana lagu soo eedeeyay iney ka ganacsanayeen daroogo.

Horay seyga Mamta Vicky Goswani waxaa isla ka ganacsigan darooga loogu xiray Dubia wallow mardambe la sii daayay.

Booliska Kenya ayaa ku eedeynaya Mamta iney ku lug laheyd barnaamijkan daroogada.

Mamta Kulkarni ayaa qaadatay diinta Islaamka waana ay iska dhaaftay jiliinka filimada,sidoo kale ninkeeda ayaa isagana islaamay.

Hadii uu falkan ka ganacsiga darooga ku cadaado Mamta waxaa laga dhoofin doonaa dalka India oo looma ogolaanayo  in India ay dib ugu soo laabato.

Oo Maxaan kugu xusuusiyaa Aktaradan,waa yahay Filimkii jaceelka ahaa ee iyada iyo Govinda ayaan kuu soo qabanaya waa Naseeb  kaas oo soo baxay sanadkii 1997-dii,ila daawo.

Bollywood News:Shah Rukh Khan iyo Priyanka Chopra oo qabanaya barnaamijka Got Talent World+video

$
0
0

priyanka_650_111314054839

Aktarada Shah Rukh Khan iyo Priyanka Chopra ayaa seddex sano kadib isku arki doona shaashadaha leyska daawado ma ahan tan Filimada ee saacadaha badan lagu jilayo balse waa shaashado yar.

Labadan Aktar ayaa wadi doona barnaamijka caanka ah ee Tv-yada kaas oo ah  Got Talent World ama barnaamijka xirfadlayaasha Adduunka ay ka qeybgalayaan oo waxyaabo muhiim lagu soo bandhigayo goobta iyaga ayaana lahaan doona codka guuleystaha ama garsoor ka noqon doonaan barnaamijkan.

Bandhig faneedkan ayaa la qaban doonaa  lixda bisha December ,waxaana laga daawan doonaa dunida oo dhan.

Markii ugu dambeysay Shah Rukh Khan iyo Priyanka Chopra ayaa keenay filimkii Don 2 sanadkii 2011,sidoo kale 2012 ayey ku kulmeen barnaamijka Zee Cine Awards.

Barnaamijkan waxaa ka qeybgali doona 20 xirfadlayaal oo Adduunka ka socda,10-kamid ah waxaa ay ka imaanayaan India maadaama dalkooda lagu martigelinayo  halka 10-ka kale dunida inteeda kale ay ka socdaa sida Britain, Australia, Spain, China iyo kuwa kale.

Dhacdadan waxaa lagu qaban doonaa xarunta Andheri Sports Complex ee ku taal magaalada Mumbai.

Bollywood News:Tiyaatarada India oo laga daawanayo filimka Cusub ee Govinda+video

$
0
0

IndiaTv083160_killdil-trailer

Markii ugu horeysay waxaa  maanta si weyn looga  daawanayaa shineemooyinka dalka India filimka cusub ee Kill Dil uu wado Aktarka lagu magacaabo Govinda.

Kill Dill oo ah filimka magaciisa ayaa u dhigma qalbi dilaha maxaa yeelay filimkan waa jaceel iyo dagaal intaba.

Labo Aktar oo kale ayaa filimkan la jilaya Govinda waana Ranveer Singh iyo Ali Zafar halka gabadha Atariishada ka ah ay tahay Parineeti Chopra.

Ranveer Singh iyo Ali Zafar ayaa ku jilaya doorka wax dilida,Govinda ayeyna ku darsanayaan.

Filimkan ayaa la siidaayay 14-kii bishii November ee maalintii shalay.

127 daqiiqo ayuu soconayaa filimkan waxaana ku jirta siddeed hees oo kaliya,waxaana fanaaniinta filimkan heeska u qaadaya kamid ah Udit Narayan iyo Sonu Nigam

Magacyada ay ku jilayaan Aktaradan

Govinda  waxaa loogu yeeri doonaa filimkan magaca Bhaiyaji & Guru

Ranveer Singh  waxaa loogu yeerayaa Dev

Ali Zafar  waxaa loogu wacayaa tutu

Parineeti Chopra  waxaa loogu yeerayaa Disha

Kader Khan waxaa loogu yeerayaa Ram Chopra

Rocky Verma  waxaa loogu yeerayaa magaca Snake Ladder Player

Goos Gooska Filimkan.


Bollywood News:Quruxleyda Bollywoodka Juhi Chawla oo lagu dhagan yahay markan+video

$
0
0

juhi-jay-759

Kadib markii Mamta iyo ninkeeda lagu xeray toddobaadkan dalka Kenya laguna eedeeyay arimo daroogo ayaa hadana waxaa dacwad ay ku socotaa ninka qaba Aktarada caanka ah ee Juhi Chawla laakiin kiiska waa ka duwan yahay midka Mamta.

Ninka qaba Aktaradan Jay Mehta ayaa dacwada waxaa ka soo gubiyay Booliska xarunta Malabar Hill ee koonfurta magaalada Mumbai.

Kaarkiisa Aqoonsiga ayaa la sheegay inuu si shaci daro ah uu isticmaalay kadibna ay qabteen Booliska.

Jay Mehta ayaa la sheegay in kaarkiisa si sharcidara ah uu isticmaalayay ama uu usoo siiyay qof kale.

Sarkaalka ugu sareeyay xaruntaas ayaa u sheegay IANS in baaritaanka uu wali socdo,walina aan laheyn cadeyn rasmi ah.

Bal aan ku xusuusiyo  Aktarada Juhi Chawla iyo waayaheeda Bollywoodka.

Filimkii  Duplicate ee iyada iyo Shahrukh Khan

 

Bollywood News:Aktar caanka ah Bollywoodka oo ku biiraya Siyaasada iyo Filim cusub uu soo wado+video

$
0
0

lingaa_650_111614023941

Aktarka Soomaalida ay u garanayaan Jeesteelo laakiin magaciisa dhabta ah uu yahay Rajinikanth ayaa Axada maanta waxaa uu  ka warbixiyay go’aankiisa mustaqbalka dhow.

Rajinikanth ayaa xaqiijiyay inuu ku biirayo siyaasada dalkiisa India maxaa yeelay qof walba  waxaa uu igula talinayaa inaan ku biiro ayuu yiri.

“kama baqayo siyaasada,kaliya xoogaa waan ka laba labeynayaa,gacanteyda kuma jirto hadii uu Alle xilkaas ii dhiibo waan u adeegi doonaa shacabka ayuu yiri.

Dhinaca kale Aktarkan Jeestoole ayaa maanta u dabaaldagayay dhalashadiisii 64 aad waxaana uu sheegay in taageerayaashiisa ugu  hadiyeynayo filimkiisa cusub ee Lingaa kaas oo la daawan doono 12-ka bisha December.

Filimkan waxaa la jileysa Aktarkan gabadha lagu magacaabo Sonakshi Sinha.

Goos gooska Filimka cusub uu soo wado Rajinikanth waa kan.

Bollywood News:Aishwarya iyo Abhishek Bachchan oo u dabaaldagaya maalinta Aaradhya+sawiro

$
0
0

aaradhya-1st-bday

Aishwarya iyo ninkeeda Abhishek Bachchan oo ah labo Aktar oo laga wada garanayo Bollywoodka India ayaa u dabaaldagaya sanad guurada dhalasha gabadhooda yar ee Aaradhya.

Gabadha uu awoowaha u yahay halyeyga Bollywoodka ee Amitabh Bachchan  ama cali dheere ayaa u dabaaldagaysa sanad guuradeedii labaad.

Aaradhya ayaa ka soo jeeda qoys Bollywoodka laga wada garanayo ayeeyadeedna waa Jaya Bhaduri Bachchan.

Inta uusan guursan Abhishek xaaskiisa Aishwarya waxaa uu xiriir kala dhaxeeyay Karisma Kapoor balse waxaa jiidatay Aktarada ugu quruxda badneyd India Aishwarya oo iyadana xiriir la laheyd Salman Khan .

Sanadkii 2007 ayey is guursadeen Aishwarya iyo Abhishek Bachchan waxaana u dhashay sanadkii 2011 Aaradhya.

Sawirada dabaaldaga sanadguurada gabadha Familka Bollywoodka ka dhalatay waa kuwan.

Once again in pink with a matching bib and the cutest hairband, baby Aaradhya along with her daddy. This picture was shared by  grandfather Amitabh Bachchan on her first birthday in Goa.

Aaradhya seems to be a bit upset in this one. Doting mom Aishwarya makes sure she spends as much time as she can with her daughter. Post Aaradhya’s arrival, Aishwarya has cut down on her public appearances.

There’s no missing the striking resemblance here! Aaradhya is an exact copy of her beauty queen mother, with those sparkling big eyes, full lips and fair complexion. Pink also seems to be her favourite colour.

The tiny tot made sure to cheer for daddy’s kabbadi team as she joined her pretty mother in matching ‘Jaipur Pink Panther’ jerseys.

Seen here, Aaradhya with her mother at Nice airport, along with her mother, looking cute in a floral top with denims and pink sneakers.

For her second birthday, Aishwarya organised a fairytale themed party for Aaradhya at Pratiksha. The entire place was decorated with lights and cutouts of butterflies and animated creatures.

It feels like just yesterday that the Bachchan clan made their way home with a precious bundle of joy in their arms. However, Abhishek and Aiswarya’s little daughter, Aaradhya turns three on November 16.<br /><br /><br />
Aishwarya and birthday girl Aaradhya were in Dubai on Friday where the hotel staff celebrated Aaradhya's 3rd birthday. (Source: Facebook)

Once again in pink with a matching bib and the cutest hairband, baby Aaradhya along with her daddy. This picture was shared by  grandfather Amitabh Bachchan on her first birthday in Goa.

Bollywood News:Shah Rukh Khan iyo Salman Khan oo Arooska Arpita isku qabtay+sawiro

$
0
0

srk-salman_650_111714095037

Hubaal waxaa ah Arpita iney isu keentay labada Aktar ee Shah Rukh Khan iyo Salman Khan oo sanado isku dhacsanaa.

Xaflada Arooska Arpita oo ah walaasha ka yar Salman Khan ayaa waxaa ka qeybgalay Aktarka Shah Rukh Khan waxaana labada Aktar laga qaaday sawir jaceel abuuraya.

Salman Khan iyo Shah Rukh Khan ayaa Arpita labada dhinac ka dhunkooday,sidoo kale labadan Aktar ayaa sawir kale oo kaligood galay kaas oo ay ku muujinayaan isu soo dhawaanshahooda.

Shah Rukh Khan ayaa leysla dhexmarayay inuusan ka qeybgaleynin Arooska Salman Khan walaashii laakiin waxaa uu sheegay inuu Arooska Arpita ka qeybgalayo ayna tahay gabar uu yaraantiisa gacmihiisa ku ciyaarsiin jiray.

Gabadha Salman Khan la dhalatay Arpita waxaa guursanaya Ayush Sharma maalinta beri ee Nov 18-ka November.

Sawirada xaflada iyo Aktaro badan oo lagu casuumay.

SRK, Salman

Waa Salman walaashii iyo ninka guursanaya

 

Waa sawirka Seddexda walaal ee Aktarada ah iyo walaashood

Waa qoyska Amitabh Bachchan oo lagu casuumay Arooskan

Katrina Kaif oo ka qeybgashay Arooska,waa saaxibadii hore ee Salman Khan
Waa lamaanayaalka aqalgalaya
The venue of the wedding - the Falaknuma Palace in Hyderabad - is also said to be costing around a crore or two per day and the family is reported to have booked it for 5 days.

Bollywood News:Magacyada Aktarada Bollywoodka Abid ugu quruxda badnaa+sawiro

$
0
0

sonali_bendre_020_stxh

Ma ahan wax fudud inaad gaari karto go’aan ah  Aktaradii hablaha ahaa ee soo maray Bollywoodka iney jireen kuwa ugu qurux badnaa jireen.

Taas ma ahan been Bollywoodka waxaa soo maray Aktaro hablo aad u qurux badan laakiin dhibta ayaa ah inaad kala xusho kuwa ugu quruxda badnaa.

Imdb ayaa soo saarta Magacyada 30-ka Aktarada hablaha  ee Bollywoodka ugu qurxanaa Abid,waxaana ay kala yihiin.

 

Viewing all 191 articles
Browse latest View live