Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » FILIMADA
Viewing all 191 articles
Browse latest View live

Bollywood News:Salman Khan oo u mahadceliyay taageerayaashiisa Dunida

$
0
0

salman-arpita-story-650_111814034652

Salman Khan ayaa ka gudoomay taageerayaashiisa rajooyinka wanaagsan ay u rajeynayaan walaashii  Arpita oo uu guursaday ganacsadaha lagu magacaabo Aayush Sharma.

Aktarkan ayaa ugu mahadceliyay taageerayaashiisa rajada wanaagsan ee ay siinayaan walaashii ka yar.

Salman ayaa barta Twitterka ugu soo gudbiyay fariintan bulshada dunida kunool.

Aktaro badan ayaa ka qeybgalay Arooska Salman walaashii waxaana kamid ah Aamir Khan, Katrina Kaif, Hrithik Roshan, Deepika Padukone, Saif Ali Khan, Kareena Kapoor, Dharmendra iyo xaaskiisa Hema Malini, Karan Johar iyo David Dhawan .


Bollywood News:Shahrukh Khan iyo Kajol oo kun jirsanaya sanadkan+video

$
0
0

ddlj-story-650_111814012834

Xusuus qiimo badan ayey ku beegan tahay maanta,19 sano ayaa laga joogaa  markii uu soo baxay filimkii jaceelka ahaa ee ay wadeen Aktarada lagu magacaabo Shahrukh Khan iyo Kajol kaas oo lagu magacaabo Dilwale Dulhaniya Le Jayenge.

Filimkan ayaa ah mid kamid ah filimadii ugu guulaha badnaa ee Bollywoodka India.

12-ka Bisha December ee Sanadkan Dulhaniya Le Jayenge filimkii ay wadeen Shahrukh Khan iyo Kajol ayuu u buuxsami doonaa kun toddobaad tan iyo markii uu soo baxay filimkaas.

Bishii October 1995 ayuu soo baxay Filimkan,waxaana sidoo kale jilayaasha qeyb ka ahaa Amrish Puri oo ay soomaalida u taqaan Saalimsey iyo Anupam Kher oo loo garanayo Aabaska.

Magacyada Simran Singh iyo Raj Malhotra ayey ku jilayeen Aktarada Shahrukh Khan iyo Kajol.

Filimkan ayaa lagu daawan karaa 186 daqiiqo,waxaa ku jirta Toddobo hees iyadoo ay ka heesayaan filimkan Lata Mangeshkar,Udit Narayan,Asha Bhosle iyo Kumar Sanu.

Goos gooska Filimkan aan ku xusuusiyo.

Bollywood News:Colaadii u dhaxeysay Amir Khan iyo Salman Khan oo soo gaba gabowday,sawiro+Video

$
0
0

aamir_650_111914010119

Xiriirkii xumaa ee mudada dheer soo jireenka ahaa ee dhexyaalay Aktarada reer Khan ayaa soo hagaagaya sanadkan.

Arintan waxaa ka dambeysa gabadha yar ee Salman khan la dhalatay ee Arpita Khan oo uu guursaday ganacsade  Aayush Sharma maalintii shalay ee Tallaadada aheyd.

Guurka Arpita Khan waxaa uu horay isugu keenay Salman Khan iyo Shah Rukh Khan oo sanado badan aan isku soo dhawaan,waxaa ay labada Aktar ku kulmeen Arooska gabadhan toddobaadkan waana ay isku faraxsanaayeen.

Dhinaca kale markii ugu horeysay waxaa isku soo dhawaaday Amir Khan iyo Salman Khan oo isku arkay Arooska Arpita Khan maalintii shalay.

Amir Khan ayaa sawir la galay walaasha Salman Khan Arbita iyo nikeeda Aayush Sharma.

Dadka wax gorfeeya waxaa ay leeyihiin Arooska gabadhan ka yar Salman Khan waxaa uu dib u soo celiyay xiriirka Aktarada Khanada.

Xaflada Arooskan oo lagu qabtay Taj Falaknuma hotel oo ku yaal Hyderabad waxaa ka qeybgalay Aktaro kale sida Katrina Kaif , Karan Johar , Priyanka iyo kuwa kale.

Arooskan waxaa lagu casuumay marti sharaf dhan 250 .

Salman Aabihii Salim Khan iyo hooyadii Salma ayaa goob joog u ahaa Arooska.

Sidoo Aktarada ahna walaalaha Salman Khan Arbaaz iyo Sohail ayaa wax ka galbiyay Arooska walaashood Arpita.

Amir Khan ayaa goobta ka qaaday midka kamid ah heesaha filimadiisa.

 

B2u3TlRCIAACOFV

vv

group-embed

Arpita Khan tied the knot with her fiance and Delhi based businessman Aayush Sharma, who is also the grandson of former Telecom minister Sukhram.
Post the wedding rituals, the celebrations, which were no less than royal, had the who’s who of the country on its guest list.


 

 

 

 

AdTech Ad

Bollywood News:Aktarka caanka ah ee Saif Ali Khan oo wiilkiisa Ibrahim Bollywoodka ku soo daraya+sawiro

$
0
0

screen-thumb_111814040420

Geed walba dhacaankiisuu dhalaa,halka ay maraan waalidiinta ayey ilmuhuna maraan.

Aktaro badan oo Bollywoodka caanka ah qaarkoodna duqowaabay ayaa waxaa doorkooda Bollywoodka maanta u matalaya caruurtii ay dhaleen oo shaqadan ku carbaabiyay.

Lama qiyaasi karo inta Aktar ee is dhalay oo Jilaa ah .

Aktarka lagu magacaabo Shah Rukh Khan ayaa dhawaan canugiisa oo labo sano jir ah waxaa uu la keenay Filim halka gabadhiisana uu kula taliyay iney Bollywoodka ku soo biirto oo halyey ay ka noqoto.

Haatan Aktarka Saif Ali Khan ayaa doonaya inuu Bollywoodka ku soo daro wiilkiisa Ibrahim.

Inta ay socotay xaflada Filimka Happy Ending oo uu soo wado Aktarkan ayaa waxaa lagu arkayay xaflada Saif Ali Khan ,xaaskiisa Kareena Kapoor Khan iyo wiilkiisa Ibrahim oo raba inuu Bollywoodka ku soo biiro.

Ibrahim, who is a spitting image of his handsome father Saif Ali Khan, was spotted sitting along with his aunt Soha prior to the screening of his father’s upcoming release, ‘Happy Ending’. (Source: PTI)

Saif Ali Khan's son Ibrahim accompanied his father and stepmom Kareena to a special screening of 'Happy Ending' on Monday (November 17).

 

 

 

 

Bollywood News: Wiilka uu dhalay Jackie Shroff oo Filimkiisii labaad keenaya+video

$
0
0

tigershroff-story_650_112014030145

Wiilka uu dhalay Aktarka lagu magacaabo Jackie Shroff ayaa lagu wadaa inuu keeno filimkiisii labaad ee Bollywoodka India looga diiwaangeliyo.

Tiger Shroff oo uu dhalay Jackie Shroff ayaa filimkiisii ugu horeeyay 22-kii bishii May 2014 keenay waxaana uu ahaa Heropanti.

Tiger Shroff ayaa isku diyaarinaya inuu keeno filimkiisii labaad sanadka 2015.

Wararka waxaa ay sheegayaan in filimkan cusub uu Agaasime ka yahay ninka lagu magacaabo Remo D’Souza’ kaas oo haatan ku mashquulsan filimka ay wadaan Sharddha Kapoor iyo Varun Dhawan.

Wiilka uu dhalay Jackie Shroff ayaa filimkiisii hore waxaa uu sameeyay bandhig weyn waxaana loo ishaarayaa inuu sida aabihii oo kale uu noqon doono.

Aan ku xusuusiyo Filimkii hore ee Aktarkan uu keenay

Bollywood News: Salman Khan oo ka maseyray Katrina Kaif iyo Rambir Kapoor

$
0
0

salmankhan-mos_650_112014101049

Salman Khan ayaa si toos u weeraray toddobaadkan Saaxibadiisii hore ee Katrina Kaif wallow uu qirtay in jaceelkeeda uu kaga guuleystay Rambir Kapoor.

Inta uu socday Arooska Salman Khan walaashii Arpita,Aktarkan Salman Khan ayaa ka dalbaday Katrina Kaif iney soo korto Masraxa si ay ula ciyaarto isaga laakiin Aktarada xishoodka badan ee Katrina Kaif ayaa ka diiday iney la ciyaarto Salman khan.

Intaa kadib Salman Khan waxaa uu bilaaway inuu fowdeeyo  Katrina Kaif oo ku yiraahdo hadalo uu ku durayo xiriirkeeda.

Salman ayaa yiri”waayahay dhibmalahan,ma ahan inaan ku dhaho Katrina Kaif ee waa inaan ku dhahaa Katrina Kapoor,Fadlan imow masraxa.

Intaa kadib waa ay soo kortay Katrina Masraxa oo ay la ciyaartay Salman Khan.

Katrina Kapoor ayuu kala jeedaa inuu guursan rabo ninka uu xiriirka kala dhaxeeyo ee Rambir Kapoor.

Rambir Kapoor waxaa dhalay Aktarka Rishi Kapoor,waxaana uu gabadhan  Katrina tartankeeda  uu kaga guuleystay Salman Khan oo horay xiriir jaceel uu kala dhaxeeyay Katrina.

Katrina iyo Ranbir Kapoor ayaa lagu wadaa iney is guursadaan bisha Fabruary sanadka 2015.

Salman hadalka ma dhameynee waa sii waday waxaana uu yiri” Mai kya karoonâ,waxaan ku siiyay fursad aad ku noqoto Katrina Khan laakiin adigaa doortay ‘Katrina Kapoor ayuu hadalkiisa ku daray isagoo laga dareemayo inuu ka maseyrayo Ranbir Kapoor.

Salman Khan ayaa u muuqda in Katrina uu ninkeeda noqdo Ranbir Kapoor,waxaa uu jeclaan lahaa iney ahaato marwadiisa.

sww

Waa  Katrina iyo Aktarka ahna saaxibkeeda guursan raba ee Ranbir Kapoor

Bollywood News:Filimka cusub ee Saif Ali Khan iyo Govinda oo maanta soo baxay+video

$
0
0

Happy-Ending-movie-music-launch

Maanta waxaa Tiyaarada dalka India laga daawaday Filimka Cusub ee Bollywoodka Happy Ending.

Filimkan waxaa isla wada Aktarada kala ah Saif Ali Khan iyo Govinda,waana jaceel , maad iyo dagaal.

Saif Ali Khan ayaa sheegay inta uu socday filimkan duubistiisa oo hada soo gaba gaboobay inuu ku faraxsanyahay inuu filim la keeno Govinda oo uu sheegay inuu aad u qadariyo.

Saif ayaa waxaa kale uu hadalkiisa intaa ku daray inuu kaga faa’ideysanayo filimkan Govinda qoob ka ciyaarkiisa heesaha.

Filimkan ayaa soo baxay maanta oo Jimco ah kuna beegantahay taariiqda 21 November 2014.

Filimkan waxaa lagu arki doonaa Aktarada kala ah Preity Zinta iyo Kareena Kapoor Khan.

Magacyada ay Aktarada filimkan jilaya ku jilayaan waa sida

Govinda  waxaa looga yeerayaa Armaan

Saif Ali Khan waxaa loogu yeerayaa Yudi Jaitely/Yogi

Ileana D’Cruz waxaa loogu yeerayaa Aanchal Reddy

Kalki Koechlin waxaa loogu yeerayaa Riyaa

Ranvir waxaa loogu yeerayaa Shorey

Filimkan waxaa ku jirta Lix hees waxaana ay kala yihiin.

  1. “Paaji Tussi Such A Pussy Cat”
  1. “G Phaad Ke”
  1. “Jaise Mera Tu”
  2. “Khamma Ghani
  1. “Mileya Mileya”
  1. “Haseena Tu Kameena Mein”

Qeyb kamid ah goos gooska Filimkan

Bollywood News:Aktarka Bollywoodka Aamir Khan iyo kan Hollywood-ka Commando oo madaxa is daray+sawiro

$
0
0

aamir_350_112214030403

Qof walba oo caan ah dunidana ku nool waa uu farxaa marka uu la kulmo qof isaga ka sii caansan.

Aktarka Jaceelka ee Bollywoodka Aamir Khan ayaa taageerayaashiisa u soo bandhigay sawirka isaga iyo Aktarka Hollywood-ka ee Filimada dagaalka keena Arnold Schwarzenegger oo ay soomaalida u taqaan Commando.

Labadan Aktar ayaa ku kulmay shir ka dhacayay magaalada Delhi ee wadanka India halkaas oo ay sawir si wadajir ugu galeen.

Aamir Khan oo laga dareemayay inuu ku faraxsanaa la kulanka Commando ayaa barta Twiterka ku soo daabacay sawirkaas isagoo taageerayaashiisa u sheegay inuu la kulmo Aktarka keenay filimkii cajiibka ahaa ee TERMINATOR.

Aamir Khan oo Filimadiisa dambe Action u badalay ayaa sheegay inuu kaga daysanayo dhismaha Jirka Aktarkan Hollywoodka ee Arnold.

Waa markii labaad uu Arnold’s uu booqasho ku tagayo India,horayna mar ayuu kaga qeybgalay daah roga dhacdo Musiga ah.

1985-tii ayuu keenay Aktarkan u dhashay Mareykanka filim la yiraahdo Commonda,waana sababta magacan uu caankaga noqday Soomaaliya.

sss

Waa Amirkhan ,geeskna waa Commando

Commando-Matrix-Firing_Rocket_Launcher


Bollywood News: Shah Rukh Khan oo ka guuleystay Salman Khan iyo Amir Khan

$
0
0

vm

Boqorka Khanada Bollywoodka Shah Rukh Khan ayaa u dabaaldagay Taageeradii ugu badnaa uu ku yeeshay barta Twitterka.

Shah Rukh Khan ayaa noqday Aktarka Bollywoodka ee ugu taageeraha badan bartan marka la eego kuwa Khanada,laakiin waxaa ka badan Amitabh Bachchan oo 11 Milyan ku hogaaminaya

Jilaagaan ayaa u isticmaala bartan inuu ugu soo gudbiyo taageerayaashiisa Sawirada Ehelkiisa iyo kuwiisa,filimada uu soo wado iyo Arimo kale.

Shah Rukh Khan ayaa gaaray haatan 10 million oo taageerayaal uu ku leeyahay barta Twitterka waxaana uu ka sara maray Aktarada kala ah Salman Khan oo taageerayaashiisa ay marayaan 9.2 million iyo Aamir Khan oo 9.7 millyan oo taageere isagana kuleh.

Shah Rukh Khan ayaa u mahadceliyay dhamaan taageerayaashiisa Twiiterka ee jacel isaga.

shah rukh khan twitter

Bollywood News:Shilpa Shetty oo isku dhiibtay dagaal yahanka USA Arnold Schwarzenegger

$
0
0

shilpa_650_112314053448

Aktarada Bollywoodka Shilpa Shetty ayaa sanad guurada Arooskeeda waxaa ay la kulantay Aktarkii hore Hollywoodka Arnold Schwarzenegger oo ay soomaalida u taqaan Commando kaas oo ku sugan India.

Aktarkan Mareykanka iyo gabadhan India u dhalatay ayaa gudaha India isku arkay xili ay daawanayeen feerka dhexmarayay Manny Pacquiao iyo Chris Algieri.

Shilpa ayaa sawir la wadaagtay Commando xili ninkeeda Raj Kundra uu la socday.

Shilpa iyo Raj ayaa u dabaaldagayay sanad guurada Arooskooda.

Shilpa ayaa soo dhaweysay in Arnold Schwarzenegger ay la kulanto kaas oo caan ku ah filimada dagaalka ee Hollywoodka Mareykanka.

Bollywood News: Aamir Khan oo keenaya Qeybta labaad ee Filimkii Rajinikanth +video

$
0
0

saaa

Aktarka hada dhalinyarada sii noqonaya xili waa ka fariisanayaa Bollywoodka leys oranayay Aamir Khan ayaa hada u xeed xeedanaya inuu keeno Filimo horleh.

Aamir Khan ayaa doonaya inuu keeno qeybta labaad ee Filimkii uu keenay Rajinikanth kaas oo soomaalida ay ugu yeerto Kaabo jeestoole.

Rajinikanth ayaa keenay filimkii India Magaca ka sameeyay ee qosolka badnaa Robot,hada Aamir Khan ayaa raba inuu keeno Robot 2.

Amir ayaa horay u keenay Filimo Aktaro kale ay soo jileen qeybahooda kale ee labaad sida Dhoom, Taare Zameen Par iyo Ghajini.

Filimkan uu ku baashaalay Rajinikanth markii hore waxaa la rabay inuu soo jilo Shah Rukh Khan laakiin isaga ayaa diiday kadibna Rajinikanth iyo Aishwarya Rai ayaa isla keentay runtii waana ay ka baxsadeen Filimka Robot .

Amirkhan ayaa raba qeybta labaad ee Filimkan inuu soo saaro si uu markale taariiq u sameeyo filimkan.

Aan ku xusuusiyo Filimka uu keenay Kaabo jeestoole ee Robot .

Bollywood News: Wiilka uu dhalay Jackie Shroff oo filimka Heer iyo Raanjha ku garaacay Shahid Kapoor

$
0
0

collrge_650_112414125654

Filimka soo socda ee Jaceelka Bollywoodka ee Heer iyo Raanjha ayaa Aktarkii wadi lahaa haatan si rasmi loo shaaciyay.

Aktarada Tiger Shroff iyo Shahid Kapoor ayaa lagu muransanaa cida filimkan loo dhiibi lahaa.

Wararkii ugu dambeeyay ee xanta Bollywoodlka ayaa xaqiijinaya in Tiger Shroff oo uu dhalay Aktarka caanka ah ee Jackie Shroff in lagu badali doono Shahid Kapoor oo keenay dhawaan filimkii Haider.

Wali lama shaacin gabadha Aktarkan filimkan jaceelka la wadi doonta  waxaana loo badinayaa iney noqon doonto midkood Kriti Sanon iyo Jacqueline Fernandes.

Tiger Shroff ayaa ku jili doona filimkan magaca  Raanjha halka Heer ay gabadha Atariishada Filimka ay qaadan doonto.

Fillimkan waxaa la filayaa inuu soo baxo sanadka cusub gaar ahaa bisha ugu horeysa ee January

Tiger Shroff  ayaa sanadkan keenay filimkiisii ugu horeeyay ee Heropanti.

collrge_650_112414125654

Waa Shahid Kapoor ,geeska kale waa Tiger Shroff

Bollywood News:Arjun Rampal oo u daba maray xaaskii hore ee Hrithik Roshan ,Xiisad ka dhalatay

$
0
0

arjun-650_112414041543

War maanta ay baahiyeen majaladaha qaarkood ee arimaha Bollywoodka ka faalooda ayaa madaxa isku gelin rabay oo colaad ka dhex dhalin rabay labada Aktar ee kala ah Hrithik Roshan iyo Arjun Rampal oo ay soomaalida u taqaan Goorof.

Laakiin labada Aktar ayaa dhanka wanaaga wada ishaaray si wadajirna u beeniyay warkan.

Xaaskii hore ee Hrithik Roshan Sussanne Khan oo dhawaan uu furay ayaa waxaa soo baxday inuu xiriir kala dhexeeyo Arjun Rampal oo laba caruur iyo xaasleh.

Dhinaca kalana waxaa jira xiriir qote dheer oo saaxibtinimo iney ka dhaxeyso xaaska Arjun Rampal  Mehr Jesia iyo xaaskii hore Hrithik Roshan labada caruur u dhashay ee Sussanne.

Wararka waxaa ay sheegayaan Arjun Rampal iyo Sussanne Khan iney dibada waqti iskula soo qaateen uuna ka dhaxeeyo xiriir wada noolaansho,waxaana laga yaabaa  sababtii uu u furay Hrithik Roshan Sussanne Khan iney tani qeyb ka aheyd.

Xaaska Arjun Mehr Jessia waa ay ka carootay saaxibadeed Sussanne marka ay maqashay in ninkeeda ay la socoto.

Laakiin Aktarada Hrihik iyo Arjun ayaa Twitterka ku cambaareeyay wararkan.

“Hadii dadow aad garan laheydeen warka saxda ah,wargeysyada waa ay joojin lahayeen iney warar faalso ah dadka ka iibiyaan,tan maanta aad ayaan u karaahiyeystay ayuu yiri Hrihik.

Aktarka kale ee Arjun Rambal oo lagu eedeynayo in xaaskii hore ee Hrihik uu wax kale dhaxeeyo ayaa ugu digay warbaahinta iney ka fogaadaan wararka beenta ay ka baahinayaan qoyskiisa iyo Isaga.

Sussanne Khan ayaa iyana sheegtay in iyada iyo Arjun kaliya ay saaxibo isku dheeryihiin balse ay faalso yihiin waxan la sheegayo.

Eeg Sawirka,hada ka hor ayey galeen Arjun Rambal ,xaaskiisa Mehr Jessia, Hrithik Roshan iyo xaaskiisa Sussanne inta aysan kala tagin

arjun-650_112414041543

Bollywood News:Aktarada caanka ah ee Bollywoodka oo ka carooday qoraal lagu baahiyay barta Twitterka+video

$
0
0

amitabh-story_350_112514124123

India ayaa maanta dadka ay wada naxeen hadana dib ay ka farxeen kadib markii ay soo baxday inuu dhintay Jilaaga caanka ah ee Bollywoodka laga qadariyo ee  Muhammad Yusuf Khan  ama Dilip Kumar .

91 Jirkan ayaa keenay  wax ka badan Lixdan Filim oo ay kamid yihiin Andaz (1949), Aan (1952, Devdas (1955), Azaad (1955) iyo kuwa kale.

Barta bulshada ee Twitterka ayaa lagu baahiyay inuu ku geeriyooday Aktarkan cisbitaal gaar ah oo ku yaala magaalada Mumbai.

Laakiin saacado  kadib ayaa la beeniyay warkan geerida Aktarka.

Sanadkii 2011 mar ayaa sidan oo kale ay u soo baxday geerida Dilip Kumar.

Aktarada caanka ah ee Bollywoodka sida Amitabh Bachchan,Yo Yo Honey Singh, Katrina Kaif, Madhuri Dixit iyo kuwa kale ayaa ka xumaaday wararka beenta ah ee laga faafinayo Dilip Kumar.

Amitabh Bachchan ayaa yiri”Ma ahan in war been ah laga faafiyo Dilip Kumar oo xanuunsan.

Aan ku xusuusiyo Dilip Kumar bandhigiisii

 

Dilip Kumar dead, claim people on Twitter!

 Kani waa Dilip Kumar.

Bollywood News:Sheeko ku saabsan doobnimada Salman Khan iyo 10-ka gabdhood uu la haasaaway+sawiro

$
0
0

Bollywood superstar Salman Khan has surely had his own share of love affairs during his long career in the industry. However, the actor recently hinted that he might be settling down soon. While we're sure that's bound to break many hearts, here's a look at some of his past ladyloves.

Kani waa Salman Khan waxaa ay da’diisa tahay 48 sano,waxaa ugu harsan laba sano inuu gaaro da’da 50 jirka.

Waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay Aktarka ku raagay doobnimada mana yeelan wali guri iskaba dhaaf inuu caruur isaga uu dhalo uu ku biiriyo Bollywoodka.

Salman Khan Aktarada ay isku waqtiga soo baxeen waa ay guursadeen caruurna dhaleen laakiin isaga waxaa uu ka helay kali noolaanshaha.

Aktaro badan oo gabdho iyo kuwa Ajaaniib ayuu shukaansaday xiriirna uu la sameeyay balse ma dhicin midkoodna inuu guursado.

Katrina Kaif ayaa aheyd gabadhii ugu dambeysa ee uu jeclaado laakiin waa ay jartay xiriirkiisa waxaana ay ka doorbiday Rambir Kapoor oo guursanaya bisha Fabruary ee sanadka cusub.

Salman Khan ayaa sidoo kale xiriir la sameeyay Aishwarya oo uu 2007 guursaday Abhishek Bachchan.

Salman Khan waxaa uu haatan la socdaa oo uu xiriir kala dhaxeeyaa gabadha Ajaaniibta ee u dhalatay Romania ee Lulia Vantur oo habeenkii Arooska walaashii ay waqti badan isla qaateen.

Guud ahaan 10- gabdhood  ayuu shukaansaday Salman Khan walina waa doob waxaana ay kala yihiin.

Salman Khan's sister Alvira is said to have played matchmaker between Sangeeta Bijlani and her brother after Sangeeta's Miss India win in 1980. The duo parted ways in the 90s but are known to share a special friendship. Salman Khan had even admitted on Koffee With Karan that he had almost tied the knot with Sangeeta but at the last moment he himself couldn't take the final step. But after so many year, Sangeeta is still very close to the Khan family and is often seen on many family outings.<br /><br /><br /><br />

Waa Salman Khan iyo Aktarada Sangeeta Bijlani

Salman Khan was then known to be dating Pakistani actress Somy Ali, who he met through a common friend in 1993. However, rumours suggest that Somy Ali was not too fond of Salman Khan's drinking and aggressive behaviour and she split from the actor in 1999.

Waa Salman Khan iyo Aktarada wadanka Pakistan u dhalatay ee Somy Ali

Salman Khan was then linked to none other than former Miss World Aishwarya Rai. Their love affiar is one of the most-talked about in the industry. The then 21-year-old Aishwarya Rai fell for the country's most eligible bachelor Salman Khan during the shoot of their film 'Hum Dil De Chuke Sanam' in 1999. But things fell off and after their split in March 2002, Aishwarya accused Salman Khan of harassing her and her family filed a police complaint against him.

Salman Khan iyo Aishwarya Rai waxaa ka dhaxeeyay xiriir jaceel kadib filimkoodii 1999-kii ee labadooda iyo Ajay Devgan ay wadeen ‘Hum Dil De Chuke Sanam,Aishwarya Rai waxaa ay ku eedeysay Salman Khan inuu saxariiriyay ama uu dhibay

Salman Khan was also rumoured to have found love in Aishwarya-lookalike Sneha Ullal. But their relationship soon fizzled out.The two had worked in 'Lucky No Time For Love.'

Salman Khan waxaa uu  sidoo kale la socday Sneha Ullal oo ay ula muuqatay iney u egtahay saaxibadiisii ay isku dhaceen ee Aishwarya laakiin waa ay kala tageen oo xiriirkooda ma waarin.

After which, Salman Khan's much-talked about flame, Katrina Kaif followed. Though the duo never admitted to their relationship, Katrina Kaif was known to be very close to the Khan family as well. But they ended things in 2010 and continue to be friends, even co-starring in ‘Ek Tha Tiger’ after their breakup. Katrina is very close to Salman Khan and his family.

Salman Khan iyo Katrina Kaif,Aktaradan aad ayey ugu dhaweyd Aktarkan iyo ehelkiisa laakiin xiriirkooda waxa uu bur buray sanadkii 2010,toddobaadkan Salman waxaa laga dareemayay inuu jeceel u hayo Katrina kadib markii uu ku fowdeeyay iney iska dayacday fursada inuu ninkeeda noqdo oo lagu dhaho Katrina Khan laakiin waxaa aad dooratay buu yiri Katrina kapoor.

Post his breakup with Katrina, Salman had a string of affairs to his name – German model Claudia Ciesla, Zarine Khan, Mahek Chahel and Hazel Keech. But nothing came out of it.<br /><br /><br /><br />

Salman Khan iyo Claudia Ciesla,Aktarkan markii uu ku guuldareystay inuu ceshto Katrina waxaa uu xiriir la sameeyay gabadha Modelka ah ee wadanka Germany Claudia Ciesla,kadib waxaa uu xiriir uu la sameeyay gabdhaha kala ah Zarine Khan, Mahek Chahel iyo Hazel Keech midkoodna kuma uusan waarin.

His latest rumoured flame is Romanian actress Lulia Vantur. The anchor-actress has been spotted with Salman Khan in India. Salman Khan too have made a trip to Romania to visit her. The duo was believed to have split sometime ago but looks like alls well in Paradise. Could she be the one?

Salman Khan iyo Lulia Vantur,Aktarkan ayaa hada xiriir jeceel waxaa uu kala dhaxeeyaa Aktarada  Romania u dhalatay ee Lulia Vantur,xitaa Salman waxaa uu ku booqday Romania gabadhan,waxaana ay u muuqataa tii marwadiisa noqon laheyd.

 

 

 


Bollywood News:Abhishek Bachchan iyo Aktaro kale oo hambalyo u diray maadeeyaha Riteish Deshmukh

$
0
0

Ritesh-Deshmukh_3

Aktarada Bollywoodka Genelia D’Souza iyo Riteish Deshmukh ayaa soo dhaweeyay maanta oo Arbaca ah canugoodii ugu horeeyay.

Labadan lamaane ee is qaba  ayaa wada socday tan iyo sanadkii 2003,waxaana ay is guursadeen sanadkii 2012-kii.

Waxaa ay wada keeneen filimo ay kamid yihiin Tujhe Meri Kasam iyo Tere Naal Love Ho Gaya.

Aktaradan ayaa fariimo hambalyo ka helay oo soo gaarsiiyay Filinsameeyayaasha Bollywoodka sida Abhishek Bachchan,Karan Johar,Nikhil Dwivedi,Milap Zaveri,Lara Dutta iyo Bipasha Basu.

Dhawaan ayey sugayaan inuu canugooda dhasho ,Genelia D’Souza ayaa  Riteish Deshmukh u sheegtay iney uur u leedahay.

za

Waa Genelia D’Souza iyo Riteish Deshmukh

Bollywood News:Halyeyga caanka ah ee Rishi Kapoor oo wiilkiisa ku canaantay inuu dhaqsi guursado Katrina Kaif

$
0
0

ranbir_650_112514045536

Aktarka Ranbir Kapoor ayaa lagu qasbayaa inuu dhawaan sida ugu dhaqsiyaha badan u guursado gabadha Bollywoodka ugu soo jiidashada badan ee Katrina Kaif.

Waalidiinta wiilkan dhalay oo kala ah Rishi Kapoor iyo Neetu oo ahaa Aktaro caan ah ayaa kula dar daarmaya wiilkooda Ranbir Kapoor inuu soo gaba gabeeyo xiriirkan jaceel ee soo jireenka ahaa.

Warar dhawaan soo baxay ayaa sheegayay in Ranbir Kapoor iyo Katrina Kaif ay is guursanayaan sanadka cusub ee 2015  gaar ahaan Bisha Fabruary.

Rambir Kapoor ayaan u soo jeedin baaqa ka imaanaya Aabihii Rishi Kapoor ee ah in dhawaan uu la aqal galo Kaif,mana qorsheynayo inuu aqal galo hada.

Katrina Kaif ayaa waxaa uu horay  xiriir kala dhaxeeyay Salman Khan laakiin waxaa  loo jiitay dhanka Ranbir Kapoor.

Labadan Aktar ayaa dhawaan booqday dhismaha ay ku aqal galayaan.

Ranbir-Katrina_2

Waa Rambir iyo Katrina

Bollywood News:Aktarkii ka yaabsaday Sunny Deol iyo Akshay Kumar ee Armaan Kohli oo soo laabtay+video

$
0
0

Armaan Kohli jaani dushman

Aktarka caanka ku noqday filimkii  Jaani Dushman ee Armaan Kohli ayaa dib ugu soo laabanaya jilista Filimada.

Armaan Kohli ayaa Bollywoodka ka maqnaa oo aanu keenin wax filim ah tan iyo sanadkii 2003-dii markaas oo uu keenay filimkii Kargil.

Sanadkii 1982-dii ayuu keenay Filimkiisii ugu horeeyay ee Badle Ki Aag.

Wararkii ugu dambeeyay ee Bollywoodka ayaa ku waramaya in filim sameeyaha caanka ah ee Sajid Nadiadwala uu u yeeray Aktarka Armaan Kohli una sheegay inuu qeyb ka yahay qorshihiisa filimada soo socda.

Armaan Kohli ayaa yiri” Sajid waxaa uu  iigu yeeray xafiiskiisa,waana ku wadahadalnay waxaa uu ii sheegay in labo Filim uu isaga soo saarayo inuu aniga ii dhiibayo jiliinkooda,kuwaas oo soo baxaya dhawaan.

Armaan Kohli ayaa cadeeyay inuu jeclaan lahaa in Sajid Nadiadwala uu si rasmu u cadeeyo inaan noqon doono Aktarka labadaas Filim.

armaan kohli sajid nadiadwala

                              Waa Aktarka Armaan Kohli
Aan ku xusuusiyo Filimkii Jaani Dushman oo Aktarkan uu wacdaro ka dhigay isagoo laadirka Filimka matalaya,waxaana uu la dagaalayaa Aktarada la waday filimka ee  Sunny Deol, Akshay Kumar, Sunil Shetty, Aditya Pancholi, Aftab Shivdasani, Sharad Kapoor,  iyo heesaaga Sonu Nigam.

Bollywood News:Aishwarya Rai oo filim la keeneysa Ranbir Kapoor

$
0
0

ytk

Toddobaadkii hore waxaa soo baxday warar sheegaya in Filim sameeyaha laga daba dhacay ee Karan Johar uu isu keeni doono Aktarada Aishwarya Rai iyo Aamir Khan markii ugu horeysay ileyn labadan Aktar marna filim islama aysan keenin.

Laakiin haatan wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya inuu go’aankiisii badalay Karan Johar.

Booska Amir Khan waxaa lagu badalay inanka da’da yar ee Ranbir Kapoor kaas oo la wadaagi doona filimka soo socda boqoradii hore ee quruxda Aishwarya Rai.

Atariishada Anushka Sharma ayaa sidoo kale Filimkan qeyb ka ah.

Afarsano kadib Aishwarya ayaa dib ugu soo laabaneysa saaxada Bollywoodka waxaana ay filimadeeda soo socda ka mid ah kan iyada Ranbir Kapoor.

ytk

waa Ranbir Kapoor,Karan Johar iyo Aishwarya Rai

Bollywood News:Aktarka caanka ah ee Ajay Devgan oo wax laga weydiiyay filimada feerka iyo jaceelka kan uu ku fiican yahay+video

$
0
0

ajay-story-650_112814053549

Aktarka caanka ahaa Ajay Devgan ayaa sheegay inuusan kaliya ku fiicneen filimada dagaalka ah oo sidoo kale uu aad ugu wanaagsan  yahay kuwa jaceelka.

Filimadii ugu dambeeyay uu keenay Aktarkan oo uu kamid yahay filimkiisii ugu dambeeyay ee ‘Action Jackson ayaa waxaa Ajay la arkayay doorka dagaalka inuu ka baxsanayo.

Ajay waxaa sidoo kale  gacan loogu taagay labadii filim ee Singham 1 iyo 2 taas ayaa keentay in saxaafadu ay weydiiso in doorkan dagaalka inuu ka jacelyahay filimada jaceelka.

Seyga Kajol Ajay ayaa sheegay inuu labada doorba ku fiican yahay jaceel iyo dagaalba.

“waxaan  jilay noocyo kala duwan oo filimo ah xirfadeyda,wax fudud ayeyna ila tahay inaan jilo filimada jaceelka ayuu ku daray hadalkiisa Jilaagaan Filimada dagaalka u jeesta.

Taas waxaa ay ka dhigan tahay Ajay inuu macalinkeeda yahay feerka iyo Jaceelkaba.

Filimadii jaceelka uu keenay Ajay waxaa kamid ah Deewangee (2002),Omkara (2006),Gangaajal (2003)Hum Dil De Chuke Sanam’ (1999),Jaan,Dilwale,Diljale  iyo kuwa kale.

Aan ku xusuusiyo filimadii jaceelka Ajay mid kamid ah waa Dilwale.

Viewing all 191 articles
Browse latest View live