![picture1aa]()
Ma filayo dadka soomaalida iney garanayaan magaca Panchi Bora laakiin marka aan dhaho Prachi Shah waa gabadha Sabarka badneyd ee waday Filimkii Kayamath.
Markii aan aragnay in dhalinyarada qaar ee soomaalida ay jecelyihiin daawashada musalsalka Kayamath ayaan is neri armey wax ugu baahan yihiin nolasha Aktaradii filimkaas wax ka jilay,waxaana halkan ku koobeynaa maanta nolasha Panchi Bora oo ku caan ah magaca Filimkii Kayamath Prachi Shah.
Inta aan dulucda sheekada gelin waxaad ogataa in musalsalka Kayamath ee haatan dadka ay daawanayaan inuu soo baxay 19-kii February sanadkii 2007 waxaana jilistiisa la soo gaba gabeeyay 12-kii March 2009 laakiin Soomaalida hada ayuu u cusubyahay filimkan.
Aktarada Panchi Bora waxaa ay dhalatay 27-dii December sanadkii 1985-tii waa 28 jir.
Aabaheed waxaa uu ka tirsanaa ciidamada dalka India,laakiin waa uu ka duqoobay shaqadaas,waxaana ay dageen Pune.
Panchi Bora waxaa ay aheyd Ardayad waxbarashada u nugul,waxaa ay rabtay iney noqoto qareen ama Abukaate,waxaana ay culuunta sharciga ay ka baraneysay College ku yaala Pune.
In la arko quruxda gabadhan ayaa timid markii ay iyada iyo hooyadeed ay ka soo muuqdeen Telefishinka dalka oo ay xayeysiin u sameeyeen markaasna waxaa lagu jiray sanadkeedii ugu horeeyay koleejka.
Ekta Kapoor oo la dhalatay Aktarka Bollywoodka Tusshar Kapoor ayaa aragtay Panchi Bora waxaana ay u sheegtay iney ka caawineyso ku biirida filimada musalsalada India ugu caansan,maxaa yeelay iyada waxaa ay tahay filim soo saare.
Sanadkii 2004 Aktaradan ayaa keentay musalsalkeedii ugu horeeyay waxaana uu ahaa Kitni Mast Hai Zindagi,waxaa loogu yeerayay filimkaas Ananya Puri,Tv-ga qaranka India ayaana siideynayay musalsalkan.
Sanadkii 2007 Prachi Shah gabadha ku caanka ah waxaa ay keentay Kahin Toh Hoga ,waxaana loogu yeerayay Prachi Shah,waxaana siideynayay filimkaas TV-ga STAR Plus.
Kadib filimkaas 2007 waxaa ay Aktaradan la keentay Kayamath Aktarka Shabbir Ahluwalia oo caan ku ah magaca filimkaas loogu yeerayay ee Milind Mishra,waxaana uu filimkaas noqday mid jaceel oo laga hadalhayo India iyo Soomaalida oo wali laga daawado.
Prachi Shah marka uu soo dhamaaday Filimka Kayamath waxaa la gudoonsiiyay Abaalmarin weyn oo doorkeeda filimkan ku muteysatay sida ay ugu baxsatay.
Laakiin Inta Kayamath aysan soo jilin Aktaradan waxaa ay rabtay iney qalin jibinta dhameysato waana tan culuumta sharciga waxaana ay ka soo qaadatay Bachelor.
Kadib Filimkii Kayamath Prachi Shah waxaa ay keentay Afar musalsal oo kale oo kii ugu dambeeyay ay keentay 2012 waana Gumrah,filimkaas waxaa loogu yeerayaa Neelam,musalsalkaasna waxaa siideynayay Channel V.
Gabagabadha sheekadan oo aad u baahan tahay ayaa ah Mr Panchi Bora ma guursatay,caruurna maleedahay.
Maya ,oo Panchi Bora wali lama guursan.
Gabadhan waxaa lagu xusuusan doonaa filimkii Kayamath oo ay ku jishay gabar la dulmiyo,jil jilicsan,xishood badana.
Aan wax kaa xusuusiyo Filimkeedii Kayamath