Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » FILIMADA
Viewing all 191 articles
Browse latest View live

Bollywood News:Amitabh Bachchan oo noqday boqorka Twitterka Aktarada India

$
0
0

amitabh_story_650_091214051127_121414025110

Amitabh Bachchan ayaa ah waqtigan boqorka Twitterka  Aktarada Bollywoodka hindia.

Halyeygan ayaa ku leh bartan taageerayaal ka badan jilayaasha kale ee wali ku dhexjira saaxada Bollywoodka.

Amitabh Bachchan ayaa ku leh barta Twitterka 12 million oo taageerayaal ah waxaana uu 72 jirkan ka badan yahay Shah Rukh Khan oo heysta 10.4 million taageerayaal.

Aktarada kale Abhishek Bachchan ayaa heysta 5.4 million, Hrithik Roshan (7.7 million), Aamir Khan (10.1 million) iyo  Salman Khan  oo ku leh Twitterka (9.5 million) oo taageerayaal.

10-ka Aktar Bollywoodka ee ugu shacbiyada badan Twitterka sidoo kale waxaa ku jira Priyanka Chopra (8 million), Deepika Padukone, Sonam Kapoor iyo Sonakshi Sinha.


Bollywood News: Shimbirihii jaceel ee Shahid Kapoor iyo Kareena Kapoor oo markale isku noqsanaya+video

$
0
0

kareena-story-650_121714052713

Dadyowga reer India iyo kuwa Adduunka ayaa ka war dhowraya halka uu ka dambeeyo wararka xanta ah ee leysla dhexmarayo.

Aad ayaa loo xiiseen doonaa marka ay dib isugu arkayaan saaxada Bollywoodka shimbirihii hore ee jaceelka Kareena Kapoor iyo  Shahid Kapoor.

Labadan Aktar oo horay u lahaa xiriir jaceel ayaa la soo warinayaa inuu isu keeni doono Filim sameeye Abhishek Chaubey oo raba in filimkiisa uu u dhiibo Kareena Kapoor iyo  Shahid Kapoor.

Waa la ogaa sida ay dadka uga heleen Filimkii Yeh Jawaani Hai Deewani ee Ranbir Kapoor iyo Deepika Padukone ay wada keenaan  kuwaas oo xiriir jaceel uu horay uga dhaxeeyay.

Aktaradan Shahid iyo Kareena ayaa horay u keenay filimada kala ah Bombay Talkies,Milenge Milenge,Jab We Met,Kya Love Story Hal,Chup Chup Ke,36 China Town iyo Fida oo ahaa filim jaceel oo soo baxay sanadkii 2004.

Kareena waxaa hada qaba Aktarka saif ali khan.

Aan ku xusuusiyo filimkoodii Fida

 

Bollywood News:Salman Khan oo diiday inuu filim la keeno Shah Rukh Khan iyo Aamir Khan+sabab

$
0
0

salman-story_650_121914013839

 

Salman Khan ayaa rajeynaya sanadka cusub ee 2015 inuu iska xarooda oo uu guursado halkii uu Filim la keeni lahaa  Shah Rukh Khan  iyo Aamir Khan si seddexda Khan markii ugu horeysay loogu arko saaxada Bollywoodka iyagoo filim isla wada.

Isagoo ka qeybgalayay Aktarkan barnaamijka Entertainment Awards 2014 ee ka dhacay Mumbai shalay ayaa la weydiiyay su’aashaas.

Ma rajeyneysaa inaad guursato sanadka 2015 ama Seddexdiina Khan ee Salman, Shah Rukh Khan iyo Aamir Khan ayaa Filim isla keeni doono taas waxaa ay aheyd su’aashii wariyaasha ay weydiiyeen Salman Khan.

“waxaan ka doorbidayaa inaan guursado halkii aan filim wada keeni laheyn seddexdeena ayuu yiri.

Salman Khan oo xiriiro badan la sameeyay dumar badan oo Bollywoodka kala shaqeeya ayaa rajeynaya inuu guursado sanadka 2015 ,waxaana hada uu xiriir kala dhexeeyaa gabar u dhalatay Romania.

Bollywood News: Amitabh Bachchan iyo wiilkiisa Abhishek Bachchan oo Abaalmarino ku guuleystay

$
0
0

amitabh-abhishek-7591

Aktarka Bollywoodka Amitabh Bachchan ayaa ku faraxsan in isaga iyo wiilkiisa Abhishek Bachchan hal masrax lagu abaalmariyo lana siiyo  Abaalmarin isku mid ah.

Amitabh Bachchan oo 72 jir ah iyo Abhishek oo 38 jir ah ayaa lagu Abaalmariyay kaalintii ay ka qaateen filimadii ay kala keeneen ee Bhootnath Returns iyo ‘Happy New Year’.

Rugcadaaga Bollywoodka Amitabh Bachchan ayaa dareenkiisa ugu warbixiyay barta Twitterka dhacdadan.

“waa wax  weyn oo aan la ilaawi karin in wiil iyo Aabihiis in la gudoonsiiyo abaalmarin iskumid ah isku waqti,isla maalin ayuu yiri Amitabh Bachchan.

Abhishek ayaa ku guuleystay maadeeyaha filimkii shactirada ee Happy New Year halka Aabihii Amitabh uu ku guuleystay maadeeyaha sheekada filimka ‘Bhootnath Returns.

 

Bollywood News:Kim Kardashian oo garaacday heesaaga caanka ah ee Justin Bieber+sawiro

$
0
0

justin-bieber-the-grove-2014-billboard-650

Gabadha Modelka ee loogu hadalheyn badan yahay Adduunka waqtigan Kim Kardashian ayaa noqotay shaqsiga loogu loogu jecelyahay ee taageerada ugu badan ku leh barta Instagram-ka.

Kim Kardashian ayaa booska koowaad kala baxday Heesaaga caanka ah ee 20 jirka Justin Bieber.

34 jirtan Kardashian ayaa ah tan ugu soo jiidashada badan raga waqtigan.

Beyonce ayaa iyana ku jirta safka hore shaqsiyaadka loogu jecelyahay bartan bulshada.

Shaqsiyaadka kale ee barta Instagram-ka ugu taageeraha badan waxaa kamid ah kon, Tyga, Ariana Grande, Rihanna, Selena Gomez iyo P Diddy.

Her favourite look: Kim Kardashian wore her go-to crop top and pencil skirt combination on Friday... after sending a scathing email to her mother for always sporting similar outfits

Bollywood News: Shahid Kapoor oo ka hadlay inuu filim la keenayo Kareena Kapoor

$
0
0

kareena-story-650_122014104425

Aktarka Bollywoodka Shahid Kapoor ayaa beeniyay inuu diiday in filim uu la keeno jaceelkiisii hore ahna Aktarad Bollywoodka kuwa ugu caansan kamid ah Kareena Kapoor.

Warar soo baxay toddobaadkii hore ayaa sheegaya in shimbirihii hore jaceelka iney isla keeni doonaan filimka Udta Punjab oo uu soo saare ka noqonayo Abhishek Chaubey.

Shahid Kapoor ayaa sheegay inuusan hubin in filimkaas  ay keeni doonaan isaga iyo Kareena Kapoor laakiin uu diyaar u yahay marwaliba inuu la shaqeeyo iyada.

Mar wariyaasha ay weydiiyeen ayuu ku jawaabay”marnaba ma dhihin marabo inaan la shaqeeyo Kareena Kapoor.

Shahid Kapoor ayaa sheegay in filim sameeyaha filimka uu dhaacin doona cida jileysa filimka Udta Punjab.

Shahid iyo Kareena ayaa jaceel jilayay oo wada socday wax ka badan Afarsano ilaa uu ka bur buray xiriirkooda sanadkii 2007.

Aktaradan ayaa isla keenay Filimo ay kamid yihiin Fida, 36 China Town, Milenge Milenge iyo Chup Chup Ke.

 

Bollywood News:Amitabh Bachchan oo la kulmay Ra’iisul wasaaraha dalka India

$
0
0

big-b-mos_122014052622

Aktarka Bollywoodka  Amitabh Bachchan ayaa la kulmay Ra’iisul wasaaraha dalka India Narendra Modi maalintii sabtidii shalay.

Jilaagaan caanka ah ayaa barta Twitterka soo dhigay sawirka isaga iyo Ra’iisul wasaaraha oo ah nin sharfa Aktarada Bollywoodka walibana jacel.

Laakiin Modi iyo  Amitabh Bachchan ayaa horay ugu soo kulmay saaxada siyaasada markaas oo ay xil ka wada hayeen gobolka Gujarat.

Labadooda oo xeran dharka jiifka ayaa la arkayay iney wax badan meel isla dhigayeen laakiin lama shaacin waxa uu kulankooda salka ku hayay.

72 jirkan Amitabh Bachchan ayaa bishan gudaheeda sheegay inuusan markale ku noqoneyneynin siyaasada dalkiisa oo uu sheegay inuu horay ugu qaldanaa go’aankii uu ugu biiray.

Bollywood News: Suniel Shetty oo u istaagay in caruurtiisa uu ka caawiyo ku biirida Bollywoodka

$
0
0

sunielshetty-mana-son

Rug cadaaga Bollywoodka Suniel Shetty ayaa raba inuu filim soo saare u noqdo wiilkiisa iyo gabadhiisa oo isha ku haya iney ku soo biiraan Bollywoodka oo filimo ay keenaan.

Suniel Shetty oo ay soomaalida u taqaan Balwaan ayaan mudooyinkan wax filim ah soo saarin.

Laakiin Jilaagaan ayaa Filim soo saare ka ahaa filimka Bhaagam Bhaag”, “Rakht” iyo “Khel.

“labadeyda caruur waxaa ay rabaan iney filim jilida ku soo biiraan hadii wax walba si fiican ay u dhacaan kadib aniga waxaan u noqonayaa filim soo saare ayuu yiri Suniel Shetty.

Suneil ayaa tan iyo 1991 qaba Mana Shetty oo u dhashay gabar lagu magacaabo Athiya oo filimkeeda ugu horeeya ay kasoo muuqan doonto uu noqonayo Hero oo soo baxaya June 2015 iyo wiil lagu magacaabo Ahaan oo isagana lagu wado inuu filim la keeno Salman Khan.


Bollywood News:Walaalka Salman Khan Arbaaz Khan oo amaanay seedigooda+sawiro

$
0
0

arpita-mos_650_122214021408

Aktarka la dhashay Salman Khan  ee Arbaaz Khan ayaa amaanay seedigiisa qaba walaashood Arpita Khan ee Aayush Sharma.

 Arbaaz Khan ayaa qaba in Aayush Sharma uu noqon karo Aktar Filimada Bollywoodka laakiin uusan ogeen goorta ay dhici doonto taas.

Mar la weydiiyay Arbaaz Khan ganacsadaha da’da yar ee dhawaan guursaday walaashii Arpita inuu ku soo biirayo Bollywoodka ayuu ku jawaabay

“Aayush waa wiil aad u qurux badan,hadii uu xiiseynayo inuu jilaa noqdo waa uu noqon karaa, laakiin ma garanayo goorta ay dhici karto,waxaan u rajeynayaa nasiib wacan.

Arbaaz Khan ayaa haatan ku mashquulsan soo saarida filimka Dolly Ki Doli.

arpita-mos_650_122214021408

ka bilow Arbaaz, waxaa ku xiga  Sohail Khan,walaashood Arpita,ninkeeda Aayush,geeskana Salman Khan

Bollywood News: Juhi Chawla oo ka soo horjeesatay Filimka cusub ee Aamir Khan+video

$
0
0

juhi-pk-759

Aktarada Bollywoodka ka caaganeyd sanadihii u dambeeyay ee Juhi Chawla ayaa dood ka keentay filimkii 19-ka bishan u soo baxay Aamir Khan.

PK waa filim uu soo saaray Rajkumar Hirani waxaana jilaa ka ahaa Aamir Khan , filimkuna waa  madadaalo.

Juhi Chawla oo daawatay Filimkan marka la siidaayay ayaa barta Twitterka ku soo qortay iney dood ka qabto qeyb kamid ah sheekada Filimkan.

Aktaradan ayaa qabta  Filimka PK inuu yahay mid diimaha loogu gafayo.

Juhi ayaa hadalkeeda intaa ku dartay iney ugu hambalyeyneyso Amirkhan iyo jilaayaashii la waday filimka.

Aktarada Juhi Chawla iyo Aamir Khan ayaa horay u keenay filimo ay kamid yihiin Qayamat Se Qayamat Tak’, ‘Hum Hain Rahi Pyaar Ke’ iyo ‘Ishq.

Daawo goos gooska Filimka cusub ee Amirkhan

Bollywood News: Shah Rukh Khan iyo Priyanka Chopra oo codsi ka helay taageerayaashooda

$
0
0

srk-650_122314010103

Taageerayaasha Shah Rukh Khan iyo Priyanka Chopra ayaa dalbanayaa iney in labada jilaa ay keenaan qeybta seddexaad filimka Don 3.

Shah Rukh Khan iyo Priyanka Chopra ayaa 23-kii December keenay Don 2 kaas oo soo jiitay taageerayaal badan.

Barta Twitterka saacadihii u dambeeyay waxaa labada Aktar looga dalbanayay in qeybta seddexaad Don 3 ay keenaan iyaga.

Laakiin Shah Rukh Khan oo ka hadlay Arintan ayaan jawaab waadix siin taageerayaasha in qeybta seddexaad ee filimkan ay keeni doonaan.

“SRK waa Don ,sidoo kale Don waa  SRK ayuu yiri  Shah Rukh Khan.

Hollywood News:Wiil uu dhalay Aktarka cajiibka ah ee Jackie Chan oo la xiray+video

$
0
0

jackie-chan_650_122314110139

Filim sameeyaha caanka ah ee Hollywoodka Jackie Chan ayaa lagu wadaa in xabsi la dhigo wiilkiisa Jaycee Chan oo 32 jir ah kaas oo lagu soo eedeeyay inuu gurigiisa gabaad ku siiyay daroogo sharci daro ah.

Wariyaasha waxaa ay sheegayaan wiilka uu dhalay  Jackie Chan oo heesaa ah in laga helay gurigiisa 100 gram oo ah daroogada marijuana.

Hadii dambigan uu ku cadaado Jackie Chan waxaa uu wajahayaa seddex sano  xabsi ah.

Madaxweynaha Chine Xi Jinping ayaa ku baaqay in talaabo sharci laga qaado dadka isticmaala daroogada sharciga aheyn.

Dhawaan Aktaro iyo filim sameeyayaal ayaa  loo xeray kulug lahaanshahooda daroogadan.

Bishii August Jackie Chan ayaa raali gelin ka bixiyay xeritaanka wiilkiisa waxaana uu sheegay talaabada uu qaaday inuu ku dareemayo  isaga ceeb iyo murugo.

Aan ku xusuusiyo waayaha Jackie Chan

Bollywood News:Maanta oo ay ku beegantahay maalin u weyn Aktarka Anil Kapoor

$
0
0

sonam-anil

Aktaro badan ayaa fariimo hambalyo soo gaarsiiyay maanta oo Arbaca ah Jilaaga Anil Kapoor oo u dabaaldagaya dhalashadiisa.

Anil Kapoor ayaa jirsaday 58 sano waxaana hambalyada ay u soo direen Aktarada ku jirta gabadhiisa Sonam Kapoor oo kamid ah gabdhaha ugu caansan Bollywoodka.

Filim sameeyaha caanka ah ee Karan Johar ayaa isagana u hambalyeeyay Aktarkan.

Abhishek Bachchan, Anupam Kher, Arbaaz Khan iyo Farhan Akhtar ayaa iyana hambalyo u soo diray Anil Kapoor.

Anil Kapoor ayaa keenay filimo badan oo jaceel,Dagaal iyo maadba leh oo ay kamid yihiin Mohabbat,Khel,Laadla,      Kabhi Na Kabhi ,Rishtey iyo kuwa kale.

sonam-anil

Waa Anil kapoor iyo gabadhiisa Sonam

Anil Kapoor

Bollywood News:Sanjay Dutt oo xabsiga laga siidaayay xili uu ka cawaaday nolasha xabsiga

$
0
0

0-1

Aktarka Bollywoodka Sanjay Dutt ayaa laga siideeyay xabsiga dhexe ee Yerwada Central Jail maalintii Arbacadii waxaana lagu siidaayay damaanad xili xukunkiisa xabsiga uu wali dhimanyahay.

Sanjay Dutt ayaa dowlada India ka helay labo isbuuc oo fasax uu ku soo nasanayo ,sidoo kale xaaskiisa Manyata oo xanuunsan ayaa qeyb ka ah sababta uu ninkan xabsiga uga baxayo.

Dhacdadii 1993-dii ayaa lagu xeray Sanjay Dutt kadib markii laga helay gurigiisa 56 hubka AK- xili uu dalka ka dhacay qarax weyn oo dad badan ay ku dhinteen.

Markii uu Aktarkan deegaankiisa uu tagay ayuu sheegay inuu xabsiga dhexdiisa uu ku caatooway oo  18-kg ay ka go’aday culeyskiisa,waxaana uu ku kaftamay markan iney u dhamaaneyso isaga.

Waxaa uu iska bixiiyay fanaanada isagoo muujinaya in xabsiga aysan oolin wax raaxo ah.

Bollywood News:Magacyada Aktarada ugu waxqabadka fiicnaa Bollywoodka 2014 oo la shaaciyay

$
0
0

collrge_650_122514021542

Sanadka 2014 ee dhamaanaya waxaa leysla dhexmarayay yaa noqon doono Aktarada ugu bandhiga fiicnaa.

Sida maanta oo Khamiis la shaaciyay Seddex Khan ayaa horkacaya liiska Aktarada ugu bandhiga fiicnaa sanadka 2014 kuwaas oo filimo badan oo la xiiseeyo keenay ayna ka soo xarootay lacago badan.

Waa kuwan Aktarada 2014 ugu waxqabadka fiicnaa Bollywoodka.

Aamir Khan

Ajay Devgn

Deepika Padukone

Shah Rukh Khan

Akshay Kumar

Katrina Kaif

Hrithik Roshan

Salman Khan

Rajkummar Rao

Nawazuddin Siddiqui

Salman Khan

Randeep Hooda

Alia Bhatt

Shahid Kapoor


Bollywood News: ku dagso Heeskii Ajay Devgan ee Filimkii Qalbi holcay ama Diljale

$
0
0

Shaam-Hai-Song

Heeska Bollywoodka ee maanta Soomaalidamaanta ay u soo gudbin doonto asxaabteeda ayaa waxaaa uu yahay Shaam Hain Dhuan Dhuan oo ah hees jaceel oo ku jirta Filimkii Ajay Devgan ee Diljale.

Filimka Diljale ayaa ah Filim jaceel oo ay isla wadeen Ajay Devgan iyo gabadha lagu magacaabo Sonali Bendre.

Diljale marka Afsoomaali loo badalo waa qalbi howlcay ama qalbigii gubtay.

27 September sanadkii 1996 ayuu filimkan soo baxay waxaaa uu soconayaa 185 daqiiqo.

Ciyaarta heeskan waxaa iska leh Madhoo oo ay Soomaalida u taqaan Caashaa iyo Ajay Devgan.

 

Bollywood News:Jaceelka dhabta ah hasoo daaho waa kii yimaada,Sanjay Kapoor iyo Priya Gill+video

$
0
0

Front

Heeska Soomaalida maanta ee Bollywoodka ayaa noqoneysa heeska jaceelka dhabtiisa ku tusaya ee Ek Mulakat Zaruri Hai Sanam oo ku jirta Filimkii Sirf Tum.

Micnaha Sirf Tum ayaa ah kaliya adiga uun oo lagala jeedo, Adiga uunbaan ku jeclahay.

Filimkan waxaa isla jilaya Sanjay Kapoor iyo gabadha lagu magacaabo Priya Gill.

11 June sanadkii 1999 ayuu soo baxay Filimkan oo sheekadiisa Jaceel uun ay tahay.

171 daqiiqo ayaa lagu daawan karaa filimkan.

Hadii aan sharaxaad yar ka bixino,heeskan gabadha ay murugta ka muuqa waxaa ay raadineysaa nin ay jaceshahay walina aysan arag ,isagana iyaduu raadinayaa waliba gaarigiisa ayuu ku wadaa hadana isma garanayaan labadooda.

Iyagoo aan is arag ayey iska jaclaadeen fariimaha boostada la isugu diro halka mararka qaarna Telefoon ay ka wada hadli jireen.

Ugu dambeyn sida uu gaariga ugu wado oo gabadhana raadintiisa ay ku daashay ooyneysana, isagana isleeyahay maxaa ku dhacay gabadhan ayaa markii uu geeyo tariinka si ay dib isaga noqoto ,ayaa Aktarka shaah lagu daadinayaa kadib waxaa uu iska bixinayaa shaatiga waxaa ay ku arkeysaa fanaanad ay iyada gacanteeda ugu soo tashay oo ay hadiyad ahaan ugu soo dhiibtay,markaas ayey soo ordeysaa oo ay leedahay adiga soo ma ahan Dipak anigana Artii qofka kuu soo dhiibay fanaanadan,Alla jaceelaa halkaas ayey isku aqoonsanayaan filimkana ku dhamaanayaa.

Sheekada oo dhan Filimka daqiiqado kooban ayuu heeskan kugu tusayaa.

Daawo

Bollywood News:Dil Hai Tumhaara-qalbigeyga adaa iska leh,Arjun Rampal ,Preity Zinta iyo Mahima

$
0
0

maxresdefault

Heeska Bolywoodka Soomaalidamaanta ayaa noqon doona Dil Laga Liya Maine oo ku jira filimka Dil Hai Tumhaara.

Dil Hai Tumhaara waxaa afka soomaali marka loo badalo uu noqonayaaa qalbigan adaa iska leh.

Filimkan oo ah jaceel jaceel dhaafay ayaa waxaa jilaya Arjun Rampal oo loo yaqaan Gooraf, Preity Zinta, Mahima Chaudhry, Jimmy Shergill, Rekha iyo Alok Nath.

Muhiimada filimka Preity Zinta iyo Mahima Chaudhry oo isla dhashay ayaa wada jeclaanaya Aktarka Arjun Rampal ama goorof.

Preity Zinta ayaa u bur barineysa jaceelka iyada Arjun Rampal kan walaasheed oo u ogolaaneysa iney guursato isaga laakiin Mahima Chaudhry ayaa inta heeskan uu socdo ee iyada lagu guursanayo fahmeysa jaceelka Preity Zinta iyo Arjun Rampal ka dhaxeeya,Ugu dambeyna Preity Zinta iyo Arjun Rampal ayey isku soo celineysaa.

Bal daawo uun.

 

Bollywood News:Aktarada Bollywoodka oo u hambalyeeyay Salman Khan

$
0
0

salman-khan-story_650_122714112542

Jilaaga Bollywoodka Salman Khan ayaa u dabaaldagaya isbuucan dhalashadiisa 49 aad waxaana u soo hambalyeeyay Aktaro badan.

Salman ayaa dabaaldaga dhalashadiisa waxaa uu la wadaagay Ehelkiisa.

49 jirka ayaa hambalyadii ugu horeysay waxaa ay ka soo gaartay Ajay Devgn, Priyanka Chopra iyo Sonakshi

Aktarada kale ee u soo hambalyeeyay Jilaagaan waxaa kamid ah Preity Zinta,Sonakshi Sinha,Jacqueline Fernandez,Bipasha Basu,Nikhil Dwivedi,Sophie Choudry,Gauaher Khan yo Sunny Leone.

Salman Khan

 W/D Maxamed Khadar Ibraahim Daahir

Bollywood News:Shah Rukh Khan oo raadinaya xaaskii Labaad

$
0
0

shahrukh-khan1

Aktarka Bollywoodka Shah Rukh Khan ayaa la soo warinayaa inuu xiriir jaceel sameyn doono.

Toddobaadyadii la soo dhaafay Aktaro ka tirsan Bollywoodka ayaa leysla xiriirinayay iney bilaaween sameynta xiriir jaceel halka Aktarada qaar ay fureen xaasaskooda.

Hrithik Roshan ayaa kamid AKtarada xaaskooda furay ee buug cusub nolashiisa u furaya waxaana soo baxday inuu xiriir kala dhaxeeyo Aktarada Kangana Ranaut

Dhinaca kale Shah Rukh Khan oo dhalay seddex caruur kalana ah AbRam Khan, Suhana Khan iyo Aryan Khan ayey ku filnaan weysay xaaskiisa Gauri Khan oo tan sanadkii 1991-dii uu qabo waxaana uu bilaawayaa sida ay wararka sheegayaan xiriiro kale.

W/D Maxamed Khadar Ibraahim Daahir

Viewing all 191 articles
Browse latest View live