Sanadka 2015 Priyanka Chopra ayaa eegeysa hormaryo badan oo dhinaca shaqadeeda iyadoo dooneysa iney soo xareyso guulo lamid ah sida sanadka 2014.
Aktaradan Priyanka Chopra ayaa ku raja weyn sanadka cusub iney noqoto filim soo saare taas oo ay sheegtay iney qeyb ka tahay riyooyinkii ay ku taameysay.
32 jirtan oo soo wada filimada Bajirao Mastani iyo Dil Dhadakne Do ayaa u sheegtay PTI iney ku faraxsantahay go’aankeeda iney film soo saare noqoto.
“waxaan sameyn doonaa filimo yar oo leh xirfado weyn ayey u sheegtay PTI.
Aktaradan ayaa u joogta haatan Mareykanka gaar ahaan magaalada New Year guurka walaalkeeda.
Priyanka ayuu sanadka 2014 u ahaa mid guul waxaana ay keentay filimo taageerayaal badan u soo jiiday oo uu kamid ahaa Mary Kom.
Priyanka ayaa hadalkeeda intaa ku dartay iney markan u jeesan doonto dhanka Filim sameynta oo ah door aan hablaha Bollywoodka aysan caan ku aheyn.
W/D Maxame Khadar Ibraahim Daahir