Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » FILIMADA
Viewing all 191 articles
Browse latest View live

Bollywood News:Jacqueline Fernandez oo sheegtay Emraan Hashmi filimkiisa inuu Albaabo badan u furay+video

$
0
0

mu

Aktarada muuqaalka qurxoon ee Jacqueline Fernandez ayaa sheegtay ineysan wax shalaay ka qabin iney keento filim Murder 2 oo kale kaas  oo ah mid kulminaya jaceel iyo dareenba waxaana ay la waday Aktarka Emraan Hashmi.

Jacqueline Fernandez waxaa ay sheegtay Filimkaas inuu ahaa keedii ugu horeeyay ee Hit noqdo.

Intaas waxaa ay hadalkeeda ku dartay Murder 2 inuu Albaabo badan u furay iyada si kastaba  halis ha u noqdee,sidaas waxaa ay u sheegtay IANS

Sanadkii 2009 –kii ayey Aktaradan Filimkeedii ugu horeysay keentay kaas oo ahaa Aladin.

Gabadhii hore quruxda Jacqueline Fernandez ayaa haatan soo wada fiimka Roy oo ay la wado Ranbir Kapoor oo ay sheegtay inuu yahay Aktar dagan waliba xishood badan.

Filimka Roy sidoo kale waxaa wax ka jilaya Aktarka Arjun Rampal.

Murder 2 waa Filim isku soo dhawaansho iyo dareenba Abuuraya kaas oo ay la waday Emraan Hashmi,waa kan muuqaalka qeyb kamid ah filmkaas balse waxaan idinkaga cudurdaarayaa video-ga.

 


Bollywood News:Shahid Kapoor oo sanad fiican ku jira,Abaalmarin kale oo la siiyay

$
0
0

collage_650_020115104348

Aktarada Kangna Ranaut iyo Shahid Kapoor ayaa lagu Abaalmariyay sanad guuradii 60 aad ee Britannia Filmfare Awards taas oo ka dhacday magaalada Mumbai.

Labadan Aktar ayaa ku kala guuleystay Aktarada dumarka ah iyo Aktarka raga iyadoo loo eegayo sida fiimadii ay keeneen ay ugu baxsadeen.

Shahid Kapoor  ayaa  lagu Abaalmariyay filimkiisii Haider kaas uu ku jilay muuqaal ka duwan kuwii laga yaqaanay.

Kangana Ranaut  oo caan ku ah filimka Krish 3 ayaa iyadana lagu Abaamariyay Aktarada ugu fiicneyd fiimka (Queen).

Xaflada sidoo kale waxaa ka soo qeybgalay Aktarada kala ah Salman Khan, Arjun Kapoor, Shraddha Kapoor, Varun Dhawan, Ranbir Kapoor, Alia Bhatt iyo halyeeyo kale sida Rekha, Kajol, Manisha Koirala, Neha Dhupia, Subhash Ghai, Vidya Balan iyo kuwa kale.

Bollywood News:Saif Ali Khan oo filimkiisa dib u dhigtay maadaama Filimka Akshey kumar la wada xiiseynayo

$
0
0

katrina-story-650_020415022133

Isu dhawaansho weyn ayaa ka dhaxeeya Filimka uu keenay Akshay Kumar ee Baby iyo kan ay isla wadaan Aktarada kala ah Saif Ali Khan iyo Katrina Kaif kaas oo lagu magacaabo Phantom’s.

Filimka uu wado Saif Ali Khan ayaa lagu waday in la sii daayo October 2, 2014 laakiin dib ayaa loo dhigay waxaana lagu waday  15-ka February ee bishan in lasii daayo laakiin waxaa hadana dib loo dhigay ilaa bisha August siideynrtiisa

Sababta ugu weyn ee filimkan dib loogu dhigay ayaa ah in Filimkan ay isku egyihiin sheekadiisa Filimka basaaska uu wado Akshay Kumar kaas oo haatan India siweyn looga daawanayo sidaa daraadeed dib ayuu ka soo baxayaa filimkan.

Isu ekaanshaha waxaa uu yahay Filimka Akshay Kumar waxaa uu u ambabaxayaa Istanbul, Nepal iyo Abu Dhabi isagoo howgalo ka soo fulinaya oo ka dhan waxa ay Argagixisada ay ugu yareen halka Saif Ali Khan uu isagana howlgalo lamid ah uu ka sameynayo India , Europe, America iyo galbeedka Asia.

Sidoo kale filimadana ayaa isaga ek labada gabar ee Aktarada ka ah oo iyagana ka ciyaaraya doorka wakiilo basaasiin ah.

Labada Filimba waxaa ay isaga mid yihiin dhanka dagaalka ka dhanka ah Argagixisada waxa ay ugu yeereen iyaga halka Filimka  Akshay Kumar laga diiday in laga daawado Pakistan maxaa yeelay waxaa la sheegaya inuu u gafayo Islaamka.

Waa markii ugu horeysay Saif iyo Katrina ay filim isla keenaan.


 

Bollywood News:Arjun Rampal oo lagu heysto inuu la kulmay gangistarka ugu weyn India

$
0
0

arjun-collage_650_020415024827

Gooraf ayaa dhib weyn lugaha la galaya kadib markii uu cisbitaal ku booqday gangster-ka weyn ee India kaas oo xabsi daa’in ku xukuman waa ninka lagu magacaabo Arun Gawli.

Booliska India ayaa baaraya sababta ka dambeysa Aktarkan inuu  la kulmo gangistarka iyagoo bilaaway iney su’aalaad weydiyaan walow uusan wax jawaab ka siin.

Anil Madvi oo kamid ah saraakiisha dowlada India ayaa sheegay iney u direen  Arjun Rampal warqad ah inuu ula kulmo iyaga si toos ah si wax looga weydiiyo sababta uu ula kulmay.

42 jirkan ayaa kula kulmay cisbitaaka Gangistarkan 28-kii December ee sanadkii hore.

Anil Madvi waxaa uu sheegay iney sugayaan Aktarka ilaa maalmo badan si uu jawaab uga baxiyo la kulanka ninkan oo lagu heysto dilka wariye Kamlakar Jamsandekar.

Bollywood News:Jilaaga Aditya Pancholi oo buug ka hadlaya Nolashiisa soo saaraya

$
0
0

kangana-650_020415022346

Aditya Pancholi oo ay soomaalida u taqaan shankar ama indhacadee ayaa sheegay buuga nolashiisa ka hadlaya inuu ku soo dari doono xiriirka isaga iyo Aktarada Kangana Ranaut ka dhaxeeya iyadoo ay sugayaan  buugaan Akhristayaal badan.

Jilaaga oo ah Aabaha labo caruur ayaa kaga sheekeynaya buugan nolasha qoyskiisa iyo kuwa gaarka ah sidaas waxaa shaacisay majalada Mumbai tabloid.

Kangana  ayaa la sheegayaa iney shukaansan jirtay Aditya Pancholi bilowga xirfadeeda Bollywoodka laakiin waa uu bur buray xiriirkooda kadib markii uu garaacay iyada.

Sanadkii hore Kangana ayaa diiday iney ka jawaabto Arimo ku saabsan Aktarka Filimkii Aatish ee Aditya Pancholi.

Bollywood News:Salman Khan, Katrina Kaif iyo Kareena Kapoor oo kamid noqday shaqsiyaadka Adduunka loogu jecelyahay+liiska

$
0
0

salman-kareena-katrina-759

Aktarada kala ah Salman Khan, Katrina Kaif iyo Kareena Kapoor ayaa kamid noqday liiska shaqsiyaadka loogu jecelyahay Aduunka sanadka 2015 sidaas waxaa qeexeysa kormeer laga sameeyay barta Internetka.

Qiimeynta oo ay sameysay majalada fadhigeedu yahay London ee  Yougov.com ayaa waxaa laga sameeyay 23 dal oo Adduunka ah waxaana ka qeyb qaatay codeynta 25,000-kun oo ruux.

Jilayaashaan seddexda ah ayaa noqday kuwa loogu jecelyahay India,sida ay qiimeentu sheegeyso laakiin waxaa liiskan kaga sareeya wax badan Madaxweynayaal uu kamid yahay Obama dhanka dumarkana waxaa ku horeeya  Angelina Jolie, Hillary Clinton, Michelle Obama, Malala Yousafzai iyo kuwa kale

Ronaldo oo ah ciyaaryahanka Adduunka ugu wanaagsan  ayaa ku jira dadka saameenta badnaa sanadka 2015  waana uu kaga sareeyaa qiimeyntan Aktaradan.

 

yougov-survey-embed

Bollywood News:Wax ka ogow 10-kii Filim ee ugu fiicnaa Boqorada quruxda Aishwarya Rai

$
0
0

ash-story_650_020415121142

Dadka Filimada Bollywoodka falanqeeya waxaa ay leeyihiin soo laabashada Aishwarya Rai Bachchan waxaa ay ka dhigantahay in Filimo xiise leh la daawan doono.

Aktaradan ayaa keentay Filimo badan laakiin aynu eego 10-kii Filim ee ugu fiicnaa ee ay ka baxsatay.

1-Hum Dil De Chuke Sanam

Aishwarya ayaa filimkan jaceelka la waday Salman Khan iyo Ajay Devgn

2-Taal

Aishwarya ayaa Filimkan oo qiso jaceel leh la waday Akshaye Khanna iyo Anil Kapoor .

3-Mohabbatein

Aishwarya ayaa filimkan ku jileysa Megha waxaana dhalay Amitabh Bachchan oo ku jilaya magaca Narayan Shankar iyadoo uu jeclaanayo Raj Aryan oo ah Shah Rukh Khan,waa qiso jaceel oo weyn.

4-Devdas

Kani waa filimkii jaceelka yaraanta waxaana ay la wadaa Aktarka Shah Rukh Khan

5-Bride and Prejudice

Aishwarya waxaa ay Filimkan  la jileysaa Aktarka reer New Zealand Martin Henderson

6-Guru

Waxaa ay la wadaa Filimkaas ninkeeda Ahna Aktar Abhishek Bachchan

7-Provoked

Kani waa Filim British ah waxaana lagu jilay london,waa Filim laga sameeyay qiso dhab ah iyadoo Aktarada ay dileyso ninkeeda oo ku kacaya falal xun oo aysan u dulqaadan karin.

8-Jodha Akbar

Waa Filim boqortooyo waxaana ay la jileysaa Aktarka Hrithik Roshan.

9-Raavan

Aishwarya ayaa filimkan la keentay seygeeda Abhishek Bachchan

10-Guzaarish

Aishwarya ayaa Filimkan la keentay Hrithik Roshan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Bollywood News:Manisha Koirala oo laga yaabo iney kamid noqoto filimka Rajkumar Santoshi

$
0
0

manisha-koirala759

Manisha Koirala ayaa laga yaabaa iney kamid noqoto Filimka cusub ee socda uu Agaasimaha ka yahay Rajkumar Santoshi.

Mar wax laga weydiiyay Aktaradan oo mudo dheer aan wax Filimkeenin iney soo wado filimkan ayey ku jawaabtay.

“kulamo badan ayaan yeelanay aniga iyo Rajkumar Santoshi laakiin wali ma aan saxiixin wax heshiis ah balse wax walba dib ayey ka soo baxayaan ayey tiri.

Santoshi ayaa ku mashquulsan soo saarida Labo filim waxaana mar wax laga weydiiyay arinta Manisha Koirala uu sheegay inuu dib ka shaacin doono.

Tani waa Aktarad qiimo weyn kaleh saaxada Bollywoodka.


Taariiqda jilaaga filimada dagaalka ee Sunil Shetty, nolashiisa sir badan ayaa ku duugan

Daawo heesta Jeena Sirf Mere Liye oo af soomaali u turjuman, Aktarada Tusshar Kapoor iyo Kareena Kapoor

Filim looga hadlayo qisada dhabta ah ee Aktarka Sanjay Dutt oo soo baxaya sanadkan

$
0
0

sanjay-dutt-raju-hirani759

Kadib Filimkii guuleystay ee PK filim sameeyaha filimkaas Rajkumar Hirani ayaa sheegay inuu ku mashquulsan yahay qorshihiisa xiga oo ah Jilaaga Sanjay Dutt oo xabsi ku xiran.

Halkan ka aqrisho sheekada Aktarkan.

 

 

Bollywood:Ma ogtahay in Karisma Kapoor ay xiriirkii ugu dheeraa la sameysay Ajay Devgan?

$
0
0

ajay-karisma

Xubinta Jacaylka Jilaaga  oo aan uga hadalno xiriirrada Jacayl ee dhexmaray aktarrada, maanta waxaan ku soo qaadanaynaa Karisma Kapoor, taasoo xiriirkii ugu dheeraa la sameysay  jilaaga caanka ah ee Ajay Devgan.

HALKAN KA AKHRISO SHEEKADAN

 

Taariikhda Jilaaga caanka ah ee Bollywoodka Salman Khan, sir badan ayaa nolashiisa ku jirta

Daagaal iyo jaceylba wuu u siman yahay Sunny Deol, Taariiqdiisa oo dhameystiran

Bollywood News:Shan waxyaabood u daawo filimada uu keeno rugcadaaga Mithun Chakraborty.

$
0
0

mithun-chakraborthy_650_022415085204

Kani waa mid kamid ah Aktaradii ugu fiicnaa Bollywoodka India soo mara.

Kama hadlayo Adkatarad haatan ku jira Bollywoodka ee waxaa jira qof sameeyay wax waliba islamarkaana maskaxda bini’aadamka laga dhaadhicin karin waa Mithun Chakraborty.

Halkan ka aqrisho sheekada Aktarkan.


Hees cusub oo loogu magac daray Jiinbaar codkii Sahruuja iyo Xaaji 2015-ka

Prof. Cali Maxamed Gedi oo ka qeyb galay dood ka baxday TV-ga Royal DAAWO VIDEO-GA

TOP:Salman Khan oo magacaabay Atariishooyinka uu guursan lahaa ee Filimada hindia jila

$
0
0

collage_650_021815055141-800x400
Runtii waan sugeynay maalin maalmaha kamid ah Aktarada Bollywoodka in la weydiiyo Atariishooyinka ay jacel yihiin iney guursadaan.

Salman khan ayey ku dhacday su’aalahan markii uu tagay Dubia,iyadoo Karan Johar uu weydiinayay Aktarada uu jeclaan lahaa inuu guursado maadaama uu doob  yahay.

Aktarka filimka Dabangg inkastoo Katrina Kaif uu jacelyahay waxaa uu doortay gabdhaha iyagana ugu shidan haatan Bollywoodka ee kala ah Sonakshi Sinha iyo Alia Bhatt .

Ranveer Singh ayaa la weydiiyay Atariishada uu u doori lahaa waxaana uu yiri Deepika oo ay hada wada socdaan.

Daawo Sua’aalaha la weydiiyay Salman Khan oo soo wada dhawaan filimka Bajrangi Bhaijaan.

Jilaaga caanka ah ee Hrithik Roshan oo maanta bartiisa ku soo daabacay war yaableh

$
0
0

Ma ahan in Aktarada Bollywoodka ay guda galaan Arimaha siyaasada maadama ay yihiin rag dadka madadaaliya.

Sidoo kale ma ahan in qabiil ama dhinac gaar ah ay la saftaan taas oo ay ku luminayaan taageerayaashooda.

Hrithik Roshan ayaa laga kari la’yahay ka dhexbax arimahan siyaasada India ka jira maadaama uu yahay nin Aktar ah.

Maanta ayaa  Aktarka  bartiisa Twitterka ku soo daabacay war siyaasadeed kaas oo ka baxsan waxyaabihii uu horay u soo dhigi jiray.

Warkan uu soo daabacay ayaa ah in 20 Askari ay ku dhinteen dagaal beeleedyo meelo kamid ah india kasocda.

Laakiin wararkale ayaa burinaya warkaas kaas oo ah in Askarta ay dagaalo qabiileed ku dhiman oo ay diilen kooxo kale.

Aktarka Tusshar Kapoor walaashiis Ekta Kapoor oo maanta dabaal dagaysa

$
0
0

Gabadha la dhalatay Aktarka Tusshar Kapoor ee Ekta Kapoor ahna filim soo saare ayaa maanta u dabaal-dagaysa sanad guurada dhalashadeeda oo maanta u began.

Ekta Kapoor waxa ay ka shaqeysaa TV-yada India, waana filim soo saare, waxa ay dhalatay 07 bishii June sanadkii 1975-kii, iyadoo ay iska dhaleen aktarka  Jeetendra oo ay Soomaalidu u garanayso Faaris iyo Shobha Kapoor, waxayna maanta u dabaal-dagaysaa sanad guuradeedii 40-aad.

Waxay soo saartay filimo badan oo laga baahayey TV-yada India, intaas kaddibna waxay bilowday Ekta inay soo saarto filimada sanadkii 2001, filimada ay soo saartay waxaa ka mid ah Kyo Kii… Main Jhuth Nahin Boltam, Kucch To Hai iyo Krishna Cottage.

Sidoo kale filimada ay soo saartay Ekta Kapoor, waxaa lagu xusuustaa filimkii Kyaa Kool Hai Hum oo uu jilay walaalkeeda ka yar Tusshar Kapoor, ama aad u garanaysaan fiilka Faaris.

Ekta Kapoor dhawaan waxay qalinka ku duugtay inay sameynayso filim gabdho Indian ah ay jilayaan oo lagu jilayo qaawanaan.

ekta-tusshar-20-8-201e

Viewing all 191 articles
Browse latest View live