Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » FILIMADA
Viewing all 191 articles
Browse latest View live

Bollywood News: Sababta Akshay kumar uu u diiday inuu jilo filimka Hera Pheri 3′ oo la ogaaday

$
0
0

hera-pheri

Waxaa soo shacbaxday sababtii Akshay kumar uu u diiday inuu qeyb kaga noqdo Filimka soo socda ee ‘Hera Pheri 3′ oo horay uu u keenay qeybtiisii labaad isaga.

Sida ay soo warineyso Mid-Day Akshay Kumar ayaa dalbaday in gacanta loo geliyo lacago dhan 50 crore oo ah lacago laga isticmalo Bollywoodka hadii aanan la siineynina inuusan jili doonin Filimkaas

Filim soo saaraha Filimkan ayaan ku raaci waayay Aktarka lagu naaneeso MR Khiladi Kumar sidaa daraadeedna Akshay kumar uusan jii doonin ‘Hera Pheri 3.

Hadii uu diiday Akshay Kumar, Suniel Shetty iyo Paresh Rawal oo soomaalida ay u taqaan Oosa buuke oo Filimkii horana Akshay Kumar ay isla jileen ayaa howshooda sii wadan doona oo wax ka jili doona qeybta seddexaad filimka’Hera Pheri 3.

Sidoo kale Aktarada kala ah Abhishek Bachchan iyo John Abraham ayaa wax ka jili doona oo buuxinaya booska Akshay Kumar.

Soo saaraha Filimkan Priyadarsha ayaa rajeynaya Hera Pheri 3 inuu hit noqon doona si lamid ah Hera Pheri 2  oo ay wadeen Tabu, Suniel Shetty , Akshay Kumar iyo Paresh Rawal.


Bollywood News:Anjeex oo dib ugu soo laabanaya Bollywoodka+sawiro

$
0
0

bachchan-sinha-dostana759

Halyeygii hore Bollywoodka Shatrughan Sinha oo ay soomaalida u garanayaan Anjeex ayaa dib ugu soo laabanaya saaxada Bollywoodka 14 sano kadib.

Kani waa mid kamid halyeeyada Bollywoodka India soo maray,mana uusan keenin wax filim ah tan sanadkii 2000.

19-kii bisha January waxaa uu sheegay Shatrughan Sinha inuu rajeynayo markale inuu saaxada dib ugu soo laabto uuna ku faraxsan yahay.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay xili wiikiisu guursanayay waxaana xaflada kala soo qeygalay Ra’iisul wasaaraha  India Narendra Modi ,sidoo kale waxaa joogay Amitabh Bachchan  Aishwarya Rai  iyo xaaska Dharmendra ee Hema Malini.

Shatrughan Sinha waa xubin ka tirsan dowlada talada heysa waana siyaasi balse gabadhiisa Sonakshi Sinha  oo Aktarad ah ayaa la fahansanyahay iney ka dhaadhicisay inuu Bollywoodka  ku soo laabto.

Anjeex waxaa uu keenay filimo caan ah sida Loha  oo soo baxay 1987  oo ay wada jilayeen isaga , Dharmendra iyo Amrish Puri oo laaderka filimka ahaa.

sonakshi-jaya-bachchan

Bollywood News:Shah Rukh Khan iyo Aishwarya Rai Bachchan oo keenaya Filim cusub+video

$
0
0

shah-rukh-khan-and-aishwarya-rai-bachchan

Idaacadaha dalka India ayaa siideeyay isbuucaan in Aktarada kala ah Shah Rukh Khan iyo Aishwarya Rai Bachchan in markale ay ku kulmayaan saaxada Bollywoodka oo ay keenayaan filimka uu soo saaraha ka yahay Rohit Shetty.

Labadan Jilaa ee Shah Rukh iyo Aishwarya  ayaa siweyn  ugu baxsaday filimadii ay keeneen sida ‘Devdas,Josh iyo mohabbatein.

Taageerayaasha Aktaradan ayaa war wanaagsan ka sugaya labada jilaa iney qalinka ku duugaan in dib ay filimkan cusub ee Rohit Shetty ay isla keeni doonaan.

Kajol ayaa markii hore loo rabay booskan laakiin waa ay diiday iney la jisho SRK, waxaana lagu badalay Aishwarya oo mar noqotay gabadha ugu quruxda badan dunida.

Dhinaca kale Aishwarya  ayaa Filim cusub la keeni doonta jilaaga Ranbir Kapoor oo caan ka ah Bollywoodka.

Bollywood News:Wararkii ugu dambeeyay Aktarada Manisha Koirala

$
0
0

manisha-koirala-cr_0_0_0_0_0_0

Dhowrsano kadib Aktarada Manisha Koirala ayaa dib ugu soo laabaneysa Bollywoodka.

44 jirtan oo la dhibaatoon cudurka kansarka ayaa u xiistay saaxada Bollywoodka waxaana ay sheegtay iney ka soo kabatay cudurkaas.

Tani waa gabadha uu dhalay siyaasiga caanka ah ee reer Nepal Prakash Koirala.

19 June 2010, Koirala waxaa guursaday Samrat Dahal oo ahaa ganacsade Nepal ah laakiin sanadkii 2012 ayey kala tageen.

Ma dhalin wax caruur ah waxaana ay  martay qaliin la sheegay inuu guuleystay oo looga sameeyay kansarka.

Filimadii ay horey u keentay Koirala waxaa kamid ah Dil Se oo ay la waday Shah Rukh Khan iyo Preity Zinta,sidoo kale Mann oo ay la waday Aamir Khan, Rani Mukerji iyo Anil Kapoor,Maharaja oo ay la waday Govinda  iyo Shakti Kapoor, sidoo kale Khauff oo ay la waday Sanjay Dutt iyo kuwa kale oo Supperhit noqday.

Bollywood News:Shah Rukh Khan oo ka taageere badnaaday Aamir Khan iyo Salman Khan

$
0
0

srk-story_650_112114062851_012115034411

Bollywood Badshah Shah Rukh Khan ayaa ka sara maray dhanka taageerayaasha barta Twitterka saaxibadiisa Aamir Khan iyo Salman Khan toddobaadkan.

Taageerayaasha SRK  ee barta Twitterka ayaa gaaray 11 million .

Jilaagan ayaa ku biiray isticmaalka  bartan sanadkii 2010-kii haatana 11 million oo taageere ayuu ku leeyahay.

Kaliya 2 Milyan oo taageere ayuu ka hooseeyaa Amitabh Bachchan laakiin waxaa uu ka sareeyaa isagana Aamir Khan  oo leh taageerayaal (10.8 million) iyo Salman Khan  oo 10.2 million.

Shah Rukh Khan ayaa taageerayaashiisa u soo dhiga bartan fariimo ,sawiro isagoo sidoo kale ugu gudbiya fikradihiisa.

Aktarada kale ee taageerayaasha ugu badan kuleh Twitterka waxaa kamid ah Deepika Padukone (9.13 million), Priyanka Chopra (8.51 million), Hrithik Roshan (8.22 million) iyo Akshay Kumar (7.27 million).

Bollywood News: Salman Khan oo cadeyn yar u helay dilka lagu heysto

$
0
0

salman-story_650_121914013829_012315112413Jilaaga Salman Khan ayey rajo yar soo gashay taas uu kaga  bad baadi karo xukunka Maxkamada India ay ku ridi laheyd wallow cadeymahaas aysan ku filneen dambigiisa.

Salman Khan waxaa uu ku eedeysan yahay inuu baabuurkiisa marsiiyay 28-kii September 2002 dad jiifay wadada,afarna ay ku dhaawacantay hal qofna uu ku dhintay.

Waxaa lagu soo eedeeyay inuu cabsanaa laakiin Dr Shashikant oo ah ninkii baaray Aktarkan markii uu falka geystay ayaa u sheegay Xeer-ilaalinta Guud in Salman Khan uu ka uriyay qamri laakiin uusan cabin iyadoo ay soo baxday natiijadan maalin kadib marka uu falka geystay waxaana laga ogaaday dhiigiisa.

Dacwad oogayaasha warkan kuma qancanayaan halka Maxkamadana ay u baahantahay inuu jilaagu la yimaado cadeymo kale.

Ilaa inta ka dhiman bishan ayey socon doontaa baaritaanka kaas oo soo jiitamayay mudo 10 sano.

Xukunka Salman Khan ayaa la rajeynayaa inuu dhaco waxaana uu ku muteysan karaa xukun adag.

Bollywood News:Amitabh Bachchan, John Abraham iyo Anil Kapoor oo keenaya Qeybta Labaad Filimka Aankhen

$
0
0

collrge_650_012215043920

Filimsameeyaha Anees Bazmee ayaa soo wada qeybta labaad Filimkii seddexda camool ee bangiga dhaceysay kaas oo magaciisa uu ahaa Aankhen.

Aankhen 2 waxaa halkiisa ka sii wadan doono oo ku jilaya doorkiisa laadirnimo Amitabh Bachchan,waxaana la jilaya Filimkan sidoo kale Aktarada kala ah John Abraham iyo Anil Kapoor.

John Abraham ayaa doorka Indhola’aanta ku jilaya.

Bazmee ayaa ka warbixiyay qeybta labaad ee Filimka Aankhen 2 halka uu ka bilaawanayo.

“qeybta labaad waxaa ay ka bilaawaneysaa Amitabh Bachchan oo xabsiga laga soo deynayo lana midoobayo markale seddex indhoole kale oo mid kamid ah uu yahay John Abraham,sidaas waxaa xaqiijiyay Filim sameeyahan.

Qeybta hore ee Aankhen oo soo baxay 2002 waxaa jilayay Aktarada kala ah Akshay Kumar,Amitabh Bachchan,Sushmita Sen,Arjun Rampal iyo Paresh Rawal oo ay soomaalida u taqaan Oasa buuko.

Aankhen

Waa qeybtii hore Aktaradii jilay ee kshay Kumar,Amitabh Bachchan,Sushmita Sen,Arjun Rampal ama gooraf iyo Paresh Rawal oo ay soomaalida u taqaan Oasa buuko.

Bollywood News:Markale Shah Rukh Khan iyo Kajol oo filim wada keenaya

$
0
0

var-srl-kalo-1

Filim sameeye Rohit Shetty ayaa iskudayaya inuu markale isu keeno Aktarada loogu jecelyahay Bollywoodka ee Shah Rukh Khan iyo Kajol oo filimo badan wada keenay.

Rohit Shetty ayaa doonaya filimkiisa soo socda inuu u dhiibo Shah Rukh Khan iyo Kajol.

Labadan jilaa waxaa fiilimkan ku sadaxeyn doona jilaaga cusub ee Varun Dhawan.

Kajol waxaa ugu dambeysay iney filim keento sanadkii 2010 waxaana uu ahaa filimkaas We Are Family oo ay la waday Kareena Kapoor iyo Arjun Rampal oo ay soomaalida u garanayaan Gooraf.

Xaaska Ajey Devgan oo dhawaan iska diiday Filimo loo soo bandhigay ayaan la ogeyn iney aqbali doonto in filimkan ay la keento Shah Rukh Khan.

Hadii ay dhacdo iney aqbasho waxaa ay dib isugu arki doonaan markale saaxada Bollywoodka SRK oo filimo badan jaceel guuleystay ay isla keeneen waxaana koodii ugu dambeeyay uu ahaa my name is Khan uu soo baxay 2010-kii.

Dhawaan waxaa kun jirsaday filimkii Dilwale Dulhania Le Jayenge oo ay wadeen Shah Rukh Khan iyo Kajol.


Bollywood News:Akshay Kumar oo hogaaminaya shan Aktar oo booskooda Aktaro kale lagu badalay+sawiro

$
0
0

fawad-kareena-aishwarya-madhu

Bollywoodka waxaa ka dhacay dhowr filimo oo Aktaradii jili lahaa lagu wareeray kuu noqon lahaa  murana ka dhashay ,tusaale ahaan Filim sameeyaha ayaa labo aktar soo xulanaya in fiimkiisa ay jilaan oo Atoore iyo Atariisha balse mid kamid ah ayaa diidaya taas oo keeneysa In badalkiisa la keeno oo Aktar kale lagu badalo isagana laga maarmo.

Arintan ayaa timid kadib markii toddobaadkan la shaaciyay  filimka Udta Punjab ee Kareena Kapoor ay wado inuu la jili doono jilaaga aan caanka aheyn ee Ayushmann Khurrana oo lagu badalay  Fawad Khan  oo horay filimkan inuu u jili doono lagu waday.

Hadaba wax ka ogow shantii Aktar ee leysku badalay Bollywoodka ka dhacay iyo filimka magaciisa.

1-Hera Pheri 3: Akshay Kumar ayaa diiday waxaa lagu badalay Abhishek Bachchan iyo John Abraham.

Hera Pheri, Akshay Kumar

2-Chalte Chalte: Aishwarya Rai ayaa diiday; Rani Mukerji  ayaa lagu badalay

Aishwarya Rai Chalte Chalte,. Rani Mukerji, Chalte Chalte

3-Heroine: Aishwarya Rai Bachchan ayaa  ka baxday; Kareena Kapoor ayaa lagu badalay.

Aishwarya Rai Heroine, Kareena Kapoor

4-Kya Kool Hain Hum 3: Riteish Deshmukh ayaa ka baxay; Aftab Shivadasani ayaa lagu badalay.

Riteish Deshmukh

5-Mother India: Raj Kapoor ayaa ka baxay; Sunil Dutt ayaa lagu badalay.

Mother India, Nargis, Raj Kapoor,. Sunil Dutt

Bollywood News:Kareena Kapoor oo Amaankeeda la adkeeyay iyo Muslimiinta hindia oo ku mudaaharaaday.

$
0
0

lovejihad_650_012215051443

Amaanka AKtarada Kareena Kapoor ayaa aad loo adkeeyay waxaana suuragal ah in weerar lama filaan ay kala kulanto dadka Muslimiinta Hindia.

Xaaska Saif Ali Khan ayaa yeelatay toddobaadkan labo ilaaliyaal kuwaas oo amaankeeda sugayay waliba amaanka deegaankeeda Bandra ayaa aad loo sugayay.
Kareena Kapoor

Cabsidan ayaa timid kadib markii horaantii bishan Kareena ay soo saartay sawir muran badan uu ka dhashay kaas oo ah in qeyb kamid ah wajigeeda ay ku dabooshay indhoshareer halka qeybta kale aysan daboolin oo ay ku muujisay caado dhaqameedka dumarka india oo ah dhibicda sujuuda ay mariyaan iyo sanduurka madaxa la mariyo ee gaduudan.

Kareena ayaa ku dhiira gelineysa iney habkaan raacaan hablaha Hindida ee ay qabaan nimanka muslimiinta in diintooda ay heystaan tan nimankooda muslimiinta kula noolaadaan oo ah indha shareerkana iney xertaan hoosna diintooda hindugu ee aan muslimka aheyn ka heystaan.

Sababta ay u dhiiragelineyso dumarka  hindida ayaa ah Kareena Kapoor  inuu qabo Aktar aysan isku diin aheyn oo muslim ah waana Saif Ali Khan oo shansano ay wada socdeen 2012-kii is guursaday.

Saif Ali Khan oo ka hadlay in gabar aan muslim aheyn oo hindu inuu guursado waxaa uu yiri”markan Kareena guursanayay dil ayaa leygu hanjabay,waxaan go’aan ku gaarnay labadeena inaan isku xushmeyno diimaheena kala duwan,waxaana rajeynayaa in caruurteenana sidaas ay sameeyaan ayuu jilaaga yiri.

Kareena ayaa iyaduna tiri” Saif Ali Khan waxaaa uu guursaday gabar hindu waana Aniga waana ku faraxsanahay isaga, jaceelka hindu iyo muslim kalama lahan waa uu kugu dhacayaa,waa sida ay hadalka u dhigtay.

Mudaaharaad badan ayaa ka dhashay sawirkan Kareena ay ku dar dargelineyso Muslimka iyo hinduda iney is guursan karaan,waxaana ka soo horjeestay Muslimiinta iyadoo kiiskan loo gudbiyay maxkamada dalka.

Kareena ayaa Salman Khan haatan la soo wada filimka Bajrangi Bhaijaan oo ah sheeko jaceel oo dhexmareysaa wiil muslim ah iyo gabar Hindu ah.
Saif and Kareena

Bollywood News: Imisa Filim ayuu keenay Akshey Kumar kuweese Action ahaa,warbixin +video

$
0
0

akshay-kumar-story_650_012215033740

Aktarka Khiladi Kumar lagu naaneeso ee Akshey Kumar oo sanadkii 1990-kii ku soo biiray Bollywoodka India ayaa buuxsaday Filimkiisii 125 aad ee xirfadiiso uu soo jilo.

Khiladi Kumar Filimadiisa ayey isugu jireen kuwa maad,jaceel iyo Feerba.

Waxaa uu Thailand ka ahaa cune kariya laakiin si lama filaan ayuu Bollywoodka ugu soo biiray 1990-kii waxaana uu keenay filimkisii ugu horeeyay 1991-kii kaas oo ahaa Saugandh oo ay la waday  Raakhee.

Kadib markaas waxaa uu keenay Filimo feer ah sida Mr Bond, Elaan, Mohra, Keemat, Main Khiladi Tu Anari ama filimada  Khiladiyada.

Tan iyo 1991 waxaa uu ka soo muuqday ama uu soo jilay 125 filim waxaana u soo baxay  haatan ama uu keenay filimka Baby oo ah mid Action ah.

Aan eegno Siddeedii filim feerka ahaa ee uu keenay Akshey kumar.

TASHAN

KHILADI 420

KHILADIYON KA KHILADI

CHANDNI CHOWK TO CHINA

KAMBAKHT ISHQ

KEEMAT

8×10 TASVEER 2009-kii

INTERNATIONAL KHILADI

Bollywood News:Priyanka Chopra oo ka warbixisay Filimada ay soo wado 2015

$
0
0

priyanka-chopra-story_650_122914025928_012315074212

Priyanka Chopra ayaa sheegtay sanadka 2015 qorshaheeda inuu yahay keenida filimo kala duwan oo ka fiican kuwii sanadkii 2014 Abaalmarino badana ay ku kasbatay.

Sanadkii 2014 Priyanka Chopra waxaa lagu arkay labo oo dagaal ah sida filimka dambiilaha ee Gunday iyo Mary Kom.

Sanadkan waxaa ay sheegtay Afar Filim kala nooc iney keeni doonto islamarkaana ay rajeyneysa iney ku guuleysato markale Abaalmarinta qaranka.

“sanadkan waxaan keeni doonaa filimo cusub aad ayaana ugu faraxsanahay,waxaa kamid ah filimadaas ‘Dil Dhadakne Do , ‘Bajirao Mastani kaas oo aan ku jilayo boqorada india Peshwa iyo Gangajal 2 oo aan la jilayo Ajay Devgn ayey tiri.

Bollywood News:Filimka Cusub ee Akshay Kumar oo laga diiday in laga daawado Pakistan maadaama Muslimka uu u gafayo+video

$
0
0

 baby_650_012315043937

Filimka cusub ee basaaska uu waday Akshay Kumar  ee Baby ayaa laga ganaaxay ama laga diiday in laga daawado dalka Pakistan sababo ku aadan inuu filimkaas lid ku yahay Muslimka.

“Gudiga faafreebaha Filimada ee Islamabad iyo Karachi waxaa ay go’aan ku gaareen in filimkan la joojiyo maxaa yeelay waxaa uu sawir qaldan ka gudbinayaa muslimiinta,sidoo kale magacyo islaam ayaa ku jira filimkan ayaa lagu yiri wargeyska Dawn ee ka soo baxa Pakistan.

Dhamaan siidhiiyada iyo DV-dhiiyada Filimkan ayaa laga joojiyay iney soo gaalaan Islamabad,sidoo kale kaartooyinkan filimkan ayaa looga digay in lagu soo daabaco wargeysyada Pakistan.

Inkastoo filimkan oo soo baxay 23-kii January laga daawaday qeybo kamid ah shineemooyinka Karachi laaakiin waala joojiyay.

Agaasimaha filimkan Baby uu wado Akshey Kumar Neeray Pandey ayaa horay u sheegay filimkan inuusan lidi ku aheyn Pakistan ama Islam intaba.

Akshay Kumar qudhiisa ayaa sheegay filimkam inuusan Pakistan lid ku aheyn laakiin inuu Islamka taabanayo meesha kama uusan saarin,waxaana Baby ila jilaya ayuu yiri seddex Aktar oo Pakistan u dhashay doorweyna ka qaadanaya Filimkan.

Daawo Goos gooska Filimkan

 

Bollywood News:Aktarad caan ah oo ka tirsan Bollywoodka oo guursatay+video

$
0
0

soha-ali-khan-marriage759

Aktarada Bollywoodka Soha Ali Khan ayaa ugu dambeyn guursatay saaxibkeeda waqtiga dheer ay soo wada socdeen ee Kunal Kemmu.

Lamanayaashan ayaa xaflad yar ku qabsaday deegaankooda Mumbai waxaana ka soo qeybgalay marti sharaf uu kamid yahay walaalkeed ka weyn ee Saif Ali Khan  iyo dumaashideed Kareena Kapoor.

22-kii bishii January ayuu bilowday dabaaldaga guurka Aktaradan oo guursatay Kunal Kemmu oo ay filim wada keeneen sanadkii 2009-kii kaas oo ahaa 99.

Soha Ali Khan ayaa bilowday jilida Filimada  sanadkii 2004 waxaana ay keentay wax ka badan 25 filim oo uu kamid yahay  Dil Maange More oo ay la waday Shahid Kapoor.

soha-wedding-1

soha-wedding-kareena

soha-wedding-saif-kareena

soha-kunal-wedding

 

Bollywood News: Shah Rukh Khan oo ka xumaaday qaabka uu u jilay Filimkiisii u dambeeyay.

$
0
0

srk-story_650_012615022226

Shah Rukh Khan ayaa markii ugu horeysay xirfadiisa Jiliin ka shakiyay waliba kuma qanacsano qaabkii uu u jilay Filimkiisii ugu dambeeyay ee Happy New Year.

Filimkaas doorkiisa waxaa uu ku muteystay Shah Rukh Khan in lagu Abaalmariyo laakiin isaga waxaa uu aaminsan yahay inuusan u qalmin.

Bilowgii sanadkan waxaa la soo bandhigay Liiska Aktarada ugu fiicnaa ee filimadii ay keenaan ku guuleystay waxaana kamid ahaa SRK.

Mar uu ka hadlayay Abaalmarinta la siiyay waxaa uu yiri”si fiican uma jelin,uma maleyneynin in ley abaalmarinayo,waxaan sameeyay hal filim sanadkii hore oo dhan,waxaan ogahay 7 qof kale iney jiraan oo Abaalmarintan iga qalmay igana wanaagsanaa,filimka Happy New Year waa uu fiicnaa laakiin Aktar ahaan uma maleeyo inaan u qalmay Abaalmarin ah inaan ugu fiicnaa ayuu yiri.

Happy New Year kama mid noqonin  filimada ugu fiican sanadka 2015 waxaana guuleystay filimada ay keeneen Hrithik Roshan (Bang Bang), Aamir Khan (PK), Shahid Kapoor (Haider) iyo filimka Akshay Kumar  ee (Holiday)


Bollywood News: Hrithik Roshan oo bilawaaya jilista filimkiisa cusub ee Mohenjo Daro

$
0
0

hrithik-story_650_012715050753

Hrithik Roshan ayaa toddobaadkan tagay gobolka Rajasthan halkaas uu ka bilaawayo jilista Filimkiisa cusub ee ‘Mohenjo Daro.

Taageerayaasha Aktarka ayaa soo dhaweeyay ugu dambeyn iney bilaawato jilista Filimkan oo in badan dib loo dhigay.

Filimkii ugu dambeeyay Hrithik Roshan uu keenay waxaa uu ahaa ‘Bang Bang  soo baxay sanadkii 2014 kaas oo noqday superhit waxaana la waday filimkaas Katrina Kaif.

Mohenjo Daro’ waa sheeko jaceel oo ay jilaaga la wado Pooja Hegde oo ku cusub saaxada filimkeedii ugu horeeyay ayuuna noqonayaa.

Filimka Mohenjo Daro waxaa uu soo bixi doonaa sida uu qorshuhu yahay 2016.

Bollywood News:Madaxweyne Obama oo cadeeyay inuu taageere u yahay Shah Rukh Khan+video

$
0
0

shahrukhkhan-barackobama1

Shah Rukh Khan ayaa soo dhaweeyay inuu qeyb ka noqdo qudbadii Madaxweyna Mareykanka Barack Obama uu ka jeediyay India toddobaadkii uu joogay India oo u dabaaldageysa maalinta xuriyada.

Barack Obama ayaa la ogaaday inuu ku tixanyahay Filimada jaceelka waliba kuwa uu keeno Aktarka jaceelka looga daba dhacay Shah Rukh Khan.

Yaab ayey laheyd markii Obama uu qudbadiisa ku fur furtay qaar kamid ah Erey suugaameedkii Shah Rukh Khan uu ku dhahay Kajol filimkii Dilwale Dulhania Le Jayenge kaas oo ahaa”Senorita… badi badi deshon mein aisi chhoti chhoti baatein hoti rehti hai” kaas oo micnihiisu yahay waxaa jira dalal waa weyn oo ay ka dhacaan waxyaabo yar yar taas oo dadyowga India ay u riyaaqeen inuu Madaxweynaha  Mareykanka Filimada Bollywoodka uu sidaas oo dhan ula socdo.

Shah Rukh Khan ayaa Twitterka  ku soo qoray”waa wax lagu faano inaan kamid noqdo shirka jaraa’id ee Madaxweynaha uu ugu halyay sinaanta,jinsiga iyo diinta.

SKR qiimo weyn ayey ugu fadhisaa inuu noqdo Aktar kaliya ee Bollywoodka uu madaxweynaha soo sheeg qaado iyadoo ay jiraan Aktaro kale taas waxaa ay ka dhigan tahay inuu kamid yahay Obama taageerayaasha Shah Rukh Khan ee filimadiisa jaceelka ku taxan.

SKY waxaa lagu tilmaamaaa inuu yahay boqorka jaceelka Bollywoodka waxaana uu dumarka u adeegsadaa ereyo jilicsan oo suudaaneyd kaas oo ka dhiga iyaga kuwa jilicsan waliba jilbihiisa hooskeena.

Sida uu ereyada u xifidsanaa Obama ayaa cadeyn u ah inuu ku taxan yahay SRK.

Erey suudaaneedka SRK oo dumarka uu kula hadlo filimadii uu ka keenay aad ayey u badan yihiin waxaan ka xusuustaa filimkii Kuch Kuch Hota kaas oo ahaa Hum ek baar jeete hain, ek baar marte hain, shaadi bhi ek baar hoti hai, aur pyar….ek hi baar hota ha oo micnaheeda yahay “Hal waqti ayaan noolaneynaa,isla waqti ayaan dhimaneynaa,guurka halmarbuu dhacaa iyo jaceelkaba, farxaduse waa halmar.

Eeg Ereyada uu obama uu dhahayo iyo sida uu horay Filimkan ugu dhahay Aktarkan.


W/D Maxamed Khadar Ibraahim Daahir

Bollywood News:Cunada ay ku quraacdaan Qaar kamid ah Aktarada ugu caansan Bollywoodka India+sawiro

$
0
0

28breakfast2

Maanta waxaan halkan idinkugu soo gudbineysaa cunada ay ku quraacdaan qaar kamid ah Aktarada Bollywoodka iyadoo kuwa harsana aan markale dib idinkugu soo gudbineynaa.

Akshay Kumar waxaa uu ku quraacda jabaati, subak iyo caano.

Sonam Kapoor waxaa ay ku quraacataa rooti fidsan,ukun iyo galaasbiyo.

Hrithik Roshan waxaa uu ku quraacdaa ukunta cad waliba qeybta dhexda ugu jirta iyo rooti.

Madhuri Dixit Nene waxaa ay ku quraacataa inta badan waa boorash,ukun cad iyo rooti la kululeeyay.

Deepika Padukone waxaa ay ku quraacataa cuntooyinka koonfurta India sida upma, dosa, poha ama bur la qudaareeyay iyo ukun.

Salman Khan hooyadii Salma ayaa siin jirtay quraacda bariis iyo qajaar la dhanaaniyay laakiin haatan waxaa uu isticmalaa rooti iyo shaah.

Ranbir Kapoor waxaa uu ku quraacdaa ukun,caano,bahal sida rootiga oo kale ,cambo iyo cabitaanka liinta.

Priyanka Chopra waxaa ay ku quraacataa jabaati,ukun iyo bacon oo ah hilibka doonfaarka.

Hoos ka Arag sawirada Aktarada iyo cunada ay ku quraacdaan.

Akshay Kumar

Sonam Kapoor

Hrithik Roshan

 

Madhuri Dixit Nene

Deepika Padukone

Salman Khan

Ranbir Kapoor

Priyanka Chopra

 

Bollywood News:Aktarada Bollywoodka oo ay cabsi soo wajahday laguna ilaalinayo AK-47

$
0
0

katrina-kaif-newest759

Aktarada Katrina Kaif ayaa amaankeeda aad u adkeysay toddobaadkan waxaana afar maalmood ay ku sugneyd Kashmir halkaas oo ay ku jileyso filimkeeda cusub ee Fitoor .

Mumbai Mirror ayaa soo warineysa in Aktarada ay tagtay halka duubista ay ka socotay iyadoo ay la socdeen seddex ilaalo ah oo ku hubeysnaa Ak-47.

Gaariga Katrina ayaa laga fogeeyay gawaarida kale ee ku jiray halka ay howsho jiliinka ay ugu socotay.

Aktaradan ayaa soo wada filim jaceel oo ay wax kala jilayaan Rekha iyo Aditya Roy Kapoor .

Dhawaan ayey aheyd markii Kareena Kapoor iyadana ay yeelatay qolyo amaankeeda ilaaliya.

Bollywood News:Salman Khan oo gurigiisa ka saaray Arjun Rampal kadib markii uu wax ka sheegay Shah Rukh Khan

$
0
0

Arjun-Shah-Rukh-Salman

Arjun Rampal oo ay soomaalida u taqaan Gooraf ayaa beeniyay inuu colaad ka dhex abuuri rabay Aktarada Salman Khan iyo Shah Rukh Khan.

Wararka ayaa sheegayay Arjun Rampal iney ku  kulmeen meel gaar ah isaga iyo Salman Khan .

Kadib Arjun Rampal ayaa arimo lidi ku ah Shah Rukh Khan u sheegay Salman Khan taas oo keentay in Arjun Rampal lagu dhaho waqtigaas iga tag oo waxaa dhahaya Salman Khan oo aan rumeysan warka uu Gooraf ka sheegayo saaxibkiisa SRK ee ay haatan dib u saaxibeen.

Warar kale ayaa sheegaya Salman Khan inuu gurigiisa ka soo saaray Arjun Rambal oo ah halka ay ku wada hadlayeen.

Arjun Rampal ayaa beeniyay warkaas waxaana uu sheegay iney yihiin kuwa warbaahinta ay wado.

Viewing all 191 articles
Browse latest View live