Lama ilaawi doono sheekadii jaceel ee Maine Pyar Kiya oo ah waan ku jeclahay,waxaana Filimkaas waday Aktarka Salman Khan oo xiligaas ahaa dhalinyaro.
Hadaba Filimka Maine Pyar Kiya ayaa u dabaaldagaya ama jirsaday 25 sano oo ka soo wareegatay markii uu soo baxay Filimkan.
December 29-keedii 1989 ayuu soo baxay Filimkan waxaana maanta laga joogaa 25 sano,ma ahan kaliya filim caadi iska ah ee waxaaa uu abuurayaa dareen jaceel weyn oo dhab ah.
Maine Pyar Kiya waxaa jilay Aktarada kala ah Salman Khan,Bhagyashree Patwardhan,Laxmikant Berde,Alok Nath,Reema Lagoo iyo Mohnish Behl.
Inta badan heesaha macaan ee filimkan waxaa ku luqeynaya fanaaniinta kala ah Balasubrahmanyam iyo Lata Mangeshkar.
W/D Maxamed Khadar Ibraahim Daahir