Dalka Masar waxaa toddobaadkan siweyn looga daawaday Filimka ay wadaan Shah Rukh Khan iyo Deepika Padukone ee Happy New Year.
Filimkan cusub oo goordhow soo baxay ayaa 31 bishii dhamaatay ee December waxaa laga fiirsaday Tiyaatarada ugu weyn Egypt.
Filimkan oo loo turjumay luqadaha Englishka iyo Carabiga ayaa laga daawaday 10-tiyaatar oo weyn kuna yaala Cairo, Alexandria iyo Obour City.
Masar waxaa ay kamid tahay dalalka loogu jecelyahay daawashada Filimada Hindiga.
Happy New Year ayaa soo baxay 24-kii October sanadka 2014,waxaana Filimkan lacagaha badan soo xareeyay jilaya Shahrukh Khan, Abhishek Bachchan, Deepika Padukone, Boman Irani, Sonu Sood, Vivaan Shah iyo Jackie Shroff.
Canuga ugu yar caruurta Shahrukh Khan ayaa lagu arkayaa filimkan.
W/D Maxamed Khadar Ibraahim Daahir