Rajinikanth oo ay Soomaalida u garanayaan Kaabo jeestoole ayaa noqday Aktarkii ugu dambeeyay oo ku biira barta Twitter-ka.
Sanadka 2014 oo gaba gabo maraya ayuu jilaagaan caanka ah ee qosolka badan ku biiray Twitter-ka.
24 saacadood oo barta Aktarkan ay hawada ku jirtay waxaa ku soo biiray 200,000 –kun oo taageerayaashiisa.
Aktaradii ugu dambeeyay ee iyagana ku biiray barta Twitterka waxaa kamid ah Twinkle Khanna oo uu qabo Aktarka Akshey Kumar iyo Kajol oo uu qabo Ajay Devgan.