Websetyada dalka India ayaa maanta bogooda hore ee Bollywoodka ku qoraya in Aktarka Salman Khan laga guuleystay kadib markii uu diiday in Arooska walaashii uu ku casuumo Jilaaga Ranbir Kapoor.
Salman Khan iyo Ranbir Kapoor oo uu dhalay Rishi Kapoor waxaa ka dhaxeeya xurguf ku aadan Aktarada Katrina Kaif oo labadoodaba ay xiliyo kala duwan saaxibo la ahaayeen oo xiriir uu kala dhaxeeyay laakiin hada waxaa ay la socotaa Ranbir Kapoor oo guursanayana sanadka cusub.
Guurka walaashii Salman Khan aktaro badan ayuu casuumaad u diray oo ay kamid yihiin Katrina Kaif, Aamir Khan iyo xaaskiisa Kiran Rao, filim sameeye Karan Johar, iyo Shah Rukh Khan.
Laakiin November 18-keeda oo guurkan uu dhacay Salman khan uma dirin wax casuumaad ah Aktarkan laakiin reer Kapoor waa uu gaarsiiyay warqadaha casuumada balse kuma uusan xusin magaca Ranbir Kapoor.
Waxaa laleeyahay Salman Khan waxa uu ka cararayay inuu isku arko Katrina iyo Ranbir Kapoor oo ah shimbiraha is doortay.
Salman Khan ayaa xitaa ku weeraray Arooska walaashii Arpita Aktarada Katrina Kaif isagoo ku yiri”waxaa iska diiday fursad aad ku noqon laheyd xaaskeyga.
Salman Khan aad ayuu ugu maseyrayaa inankan yar uu dhalay Rishi Kapoor maxaa yeelay waxaa uu kaga guuleystay soo jiidashada qalbiga Katrina Kaif.
Waa Kaif iyo Rambir,Sawirka sare waa Salman Khan iyo walaashii Arpita