Aktarka Bollywoodka Amitabh Bachchan ayaa la kulmay Ra’iisul wasaaraha dalka India Narendra Modi maalintii sabtidii shalay.
Jilaagaan caanka ah ayaa barta Twitterka soo dhigay sawirka isaga iyo Ra’iisul wasaaraha oo ah nin sharfa Aktarada Bollywoodka walibana jacel.
Laakiin Modi iyo Amitabh Bachchan ayaa horay ugu soo kulmay saaxada siyaasada markaas oo ay xil ka wada hayeen gobolka Gujarat.
Labadooda oo xeran dharka jiifka ayaa la arkayay iney wax badan meel isla dhigayeen laakiin lama shaacin waxa uu kulankooda salka ku hayay.
72 jirkan Amitabh Bachchan ayaa bishan gudaheeda sheegay inuusan markale ku noqoneyneynin siyaasada dalkiisa oo uu sheegay inuu horay ugu qaldanaa go’aankii uu ugu biiray.