Rug cadaaga Bollywoodka Suniel Shetty ayaa raba inuu filim soo saare u noqdo wiilkiisa iyo gabadhiisa oo isha ku haya iney ku soo biiraan Bollywoodka oo filimo ay keenaan.
Suniel Shetty oo ay soomaalida u taqaan Balwaan ayaan mudooyinkan wax filim ah soo saarin.
Laakiin Jilaagaan ayaa Filim soo saare ka ahaa filimka Bhaagam Bhaag”, “Rakht” iyo “Khel.
“labadeyda caruur waxaa ay rabaan iney filim jilida ku soo biiraan hadii wax walba si fiican ay u dhacaan kadib aniga waxaan u noqonayaa filim soo saare ayuu yiri Suniel Shetty.
Suneil ayaa tan iyo 1991 qaba Mana Shetty oo u dhashay gabar lagu magacaabo Athiya oo filimkeeda ugu horeeya ay kasoo muuqan doonto uu noqonayo Hero oo soo baxaya June 2015 iyo wiil lagu magacaabo Ahaan oo isagana lagu wado inuu filim la keeno Salman Khan.