![priyanka-shahid-759]()
Toddobaadkan waxaa magaalada Mumbai lagu qabtay Barnaamijka sanadlaha ee lagu Abaalmariyo Aktarada Bollywoodka India kaas oo lagu magacaabo Life OK Screen Awards.
Xaflada sanadka 2015 oo aheyd sanad guuradii 21 aad waxaa guul weyn ka soo hooyay Aktarada Shahid Kapoor, Priyanka Chopra, Shah Rukh Khan , Deepika Padukone, Alia Bhatt iyo wiilka uu dhalay Jackie Shroff ee Tiger Shroff.
Shahid Kapoor ayaa la gudoonsiiyay Abaalmarinta Aktarka ugu fiicnaa raga Filimkiisa Haider halka Priyanka Chopra ay lagu abaalmariyay fiilimkeedii Mary Kom.
Shah Rukh Khan iyo Deepika Padukone ayaa Abaalmarino la siiyay maxaa yeelay waxaa ay ka baxsadeen filimkii ay isla wadeen ee Happy New Year.
Shahid Kapoor oo Seddex Abaalmarin xaflada lagu siiyay ayaa sidoo kale loo doortay Aktarka sanadka.
Gabadha soo baxeysa Alia Bhatt ayaa iyadana loo doortay geesiyada sanadka.
Hema Malini ayaa la gudoonsiiyay Abaalmarinta Lifetime Achievement Award waana abaalmarin la siiyo rugcadayaada Bollywood howl adag ka qabtay.
Tiger Shroff ayaa lasiiyay Abaalmarinta dhalinyarada Bollywoodka soo baxaya waxaana lagu abaalmariyay sida uu uga baxsaday filimkiisii ugu horeeyay ee Heropanti.
Sidoo kale Filimkiisa ayaa loo doortay wiilkan Filimka Action-ka ee ugu fiicnaa sanadka waana Heropanti
Filimkii Salman Khan ee Kick iyo kan Aamir Khan ee PK ayaa loo doortay labada filim ee lacagaha ugu badan soo xareeyay.
Shah Rukh Khan iyo Deepika Padukone ayaa noqday sidoo kale codad laga aruuriyay daawadayaasha Aktarka ay ugu jeclaayeen raga iyo dumarka Bollywoodka.
Shah Rukh Khan ayaa helay codad 33% waxaana uu ka cod badiyay Shahid Kapoor iyo Aamir khan.
Dhanka Dumarka Aktarada Bollywoodka Deepika Padukone ayaa heshay codad dhan 26% waxaana ay ka cod badisay Priyanka Chopra,Katrina kaif iyo Kangana Ranaut.
Tabu ayaa iyadana lagu Abaalmariyay doorkeeda filimka ay la waday Shahid Kapoor ee Haider.
Sawirada Xaflada
![Deepika Padukone Deepika Padukone]()
Shahid iyo Deepika Padukone
Tabu iyo SRK
![Screen Awards Screen Awards]()
Shah Rukh Khan oo xaflada ku baashaalaya
![Screen Awards Screen Awards]()
Shahid Kapoor iyo Priyanka Chopra