Aktarada Bollywoodka ayaa maanta cambaareeyay qarax ururka Taliban Ciidamadooda ay ka geysteen iskuul ku yaala magaalada Peshawar ee dalka Pakistan.
Weerarkan waxaa ku dhintay 100 qof oo ay u badan yihiin Arday.
Aktarka reer Pakistan Ali Zafar ayaa yiri” tani waa misiibo dhab ah.
Aktarada Priyanka Chopra ee wadanka India ayaa iyana ku talisay in caruurta la baro qiimaha nolasha qofka bini’aadamka.
Akshay Kumar ayaa isagana tacsi u diray ehelada ay ka dhinteen Ardaydaas.
Raveena Tandon ayaa kamid ah Aktarada Bollywoodka ee cambaareynaya iyana falkan.